Hordhac: Kulanka Villarreal Vs Manchester United ee UEFA Europa League, Shaxda iyo Xidigaha Maqan

Manchester United ayaa ciyaari doonta finalka koobkeedii ugu horeeyay muddo seddex sano ah madaama ay la ciyaarayaan Villarreal kulan ka tirsan Europa League.

Villarreal Vs Manchester United

Tartanka Europa League

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somaliya 

Garoonka Stadion Energa Gdansk

Villarreal: Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee kooxda Villarreal Samuel Chukwueze iyo Juan Foyth ayaa shaki weyn uu ku jiraa kulanka finalka dhaawac muruqyada ah. Ciyaaryahanka khadka dhexe Vicente Iborra, oo uu dillaacay jilibka bishii December, ayaa weli dhaawac ku maqan.

Dhaawacyada: Vicente Iborra

Shaki: Samuel Chukwueze, Juan Foyth

Manchester United: Taam ahaanshaha Harry Maguire ayaa walwal galin doona Manchester United madaama uu wali ku socdo wadadii soo kabashada ka dib dhaawac canqowga ah. Solskjaer ayaa qirtay in uuna rajo weyn ka qabin soo laabashada kabtankiisa. Haddii Maguire uusan ka gudbin tijaabada caafimaad ee soo daaheysa , United ayaa u nugul daafaca.

Anthony Martial iyo Phil Jones wali diyaar uma ahan dhaawacyo awgood weyna seegi doonaan.

Dhaawacyada: Anthony Martial, Phil Jones

Shaki: Harry Maguire

Shacxda Kulankan 

Villarreal XI (4-4-2): Sergio Asenjo; Alfonso Pedraza, Pau Torres, Raul Albiol, Mario Gaspar; Etienne Capoue, Dani Parejo, Manuel Trigueros; Yeremi Pino, Gerard Moreno, Carlos Bacca

Manchester United (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly, Victor Lindelof, Luke Shaw, Fred, Scott McTominay; Marcus Rashford, Bruno Fernandes , Paul Pogba; Edinson Cavani.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Villarreal iyo Manchester United ayaa isku dhacay afar jeer ilaa iyo maanta. Dhamaan afarta kulan waxay ahaayeen Champions League waana xiiso badan, dhamaan kulamadaasi waxay ku dhamaadeen barbaro goolal la’aan ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*