Hordhac: Leicester City Vs Manchester United ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester United ayaa garoonka King Power Stadium kula ciyaareysa Leicester City fiidnimada caawa iyada oo isha ku haysa in ay diiwaan gashato guusheedii saddexaad oo xidhiidh ah ee Premier League.

Dhanka kale kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa wali raadineysa guusheedii ugu horeysay ee horyaalka, iyadoo kooxda ay haatan fadhido booska ugu hooseeya ee kala sareynta .

Wararka Labada Koox

Iyadoo Rodgers uu sheegay inuu “ku rajo weyn yahay” taam ahaanshaha Maddison, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kaliya loo magacaabi karaa kursiga keydka kulankan.

Wilfred Ndidi ayaa rajeynaya in dib loogu yeero ka hor Boubakary Soumare , halka Ayoze Perez laga yaabo in la siiyo fursad dhanka midig ah.

Haddii aysan wax horumar ah ka dhicin mustaqbalka Youri Tielemans , waxaa la filayaa inuu safto kulankan.

Iyadoo Arsenal ay imaaneyso Axada, Ten Hag ayaa laga yaabaa inuu qaato fursad uu daqiiqado ugu dhiibo Casemiro , kaasoo laga yaabo inuu booska kala baxo Scott McTominay ama Christian Eriksen .

Isagoo ka hortagaya wax kasta oo dhaawac ah, inta ka hartay line-upka United ayaa laga yaabaa inay sideedii sii ahaato, iyadoo Cristiano Ronaldo kaliya lagu xusho bedelka haddii uu weli kooxda joogo.

Anthony Martial ayaa sidoo kale kaliya lagu magacaabi doonaa kursiga keydka sida ugu fiican isagoo la il daran xanuunka Achilles.

Shaxda Macquulka 

Leicester City: Ward; Castagne, Amartey, Evans, Justin; Ndidi, Tielemans, Dewsbury-Hall; Perez, Barnes; Vardy

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Eriksen; Elanga, Fernandes, Sancho; Rashford.

Xogta Ciyaarta

Tartanka Premier league-ga

Saacada 22:00 Pm Somalia

Garoonka King Power Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*