Hordhac: Liverpool Vs AC Milan Kulankooda Champions League, Xidigaha ka maqan labada dhinac iyo Shaxda

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku soo dhaweeneysa kooxda Ac Milan kulankooda Champions league-ga Heerka Guruubka B, Labada Kooxood ayaa ku jira heer feecan qaabka ay ku bilowdeen horyaalada ay ka ciyaaraan.

Wararka Labada Kooxood

Liverpool: Roberto Firmino iyo Neco Williams ayaa weli dhaawacyo uga maqan Liverpool waxaana laga saaray kulankaan. Harvey Elliott ayaa dhaawac muddo dheer ah soo gaaray kulankii Leeds United dhamaadkii isbuucaan sidoo kale diyaar uma noqon doono xulashada.

AC Milan: Olivier Giroud ayaa horumar ka sameeyay ka soo kabsashadiisii ​​COVID-19 waxaana laga yaabaa inuu dib ugu soo celiyo waqtigii ciyaartaan. Tiemoue Bakayoko ayaa jug ka soo gaartay kulankii Lazio isbuucii hore waxaana laga yaabaa inuusan diyaar u aheyn inuu ciyaaro kulanka Liverpool.

Zlatan Ibrahimovic ayaa la dhibtoonaya bararka lugta ee Achilles qatarna lama geli doono kulankaan bartamaha todobaadka. Xiddiga weerarka ah ayaa ku soo laabtay garoonka markii ugu horeysay muddo afar bilood ah axadii, isagoo gool ka dhaliyay Lazio. Maqnaashihiisa ayaa dhaawac weyn ku noqon doonta Rossoneri .

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Liverpool (4-3-3): Alisson Becker; Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Joel Matip, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Fabinho, Thiago Alcantara; Mohamed Salah, Diogo Jota, Sadio Mane

AC Milan XI (4-2-3-1): Mike Maignan; Theo Hernandez, Fikayo Tomori, Simon Kjaer, Davide Calabria; Sandro Tonali, Franck Kessie; Brahim Diaz, Ante Rebic, Alexis Saelemaekers; Zlata

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Liverpool ayaa rikoor cajiib ah ka heysata AC Milan waxaana ay badiyeen seddex ka mid ah afar kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood.

AC Milan ayaa kaliya hal guul ka gaartay Liverpool waxayna kulankaan ku dadaaleysa in ay dhinto farqigaasi u dhaxeeya.

Liverpool ayaa si la yaab leh dib ugu soo laabatay 2005 si ay ugu guuleysato UEFA Champions League ee Istanbul. 

AC Milan ayaa aargoosatay sanadkii 2007 laakiin waxa laga badiyay laba kulan oo saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Liverpool waxayna u baahan doonaan inay kulankan sare u qaadaan.

Liverpool Vs AC Milan

Tartanka Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Anfield

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*