Hordhac: Liverpool Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Liverpool oo Sabtidii guusheedii ugu horreysay xilli ciyaareedka oo mid weyn ahayd kasoo gaadhay Bournemouth ayaa markale Anfield kusoo dhawaynaysa Newcastle United.

Dhinaceeda Newcastle ayaan xilli ciyaareedka wali wax guuldarro ah soo arag iyadoo kulankii saddexaad barbardhac 3-3 ah lasoo gashay Manchester City halka ay toddobaadkii hore xilli dambe 1-1 ku qabatay Wolves.

Wararka Labada Koox

Jurgen Klopp ayay wali ka maqan yihiin xiddigaha kala ah Diogo Jota, Joel Matip, Curtis Jones, Chamberlain, Ibrahima Konate iyo Calvin Ramsay.

Harvey Elliot ayaa taxadar ahaan loo bedelay wakhtigii nasashada ee kulankii Bournemouth walow gadaal laga xaqiijiyay inuusan wax dhib ah qabin halka Darwin Nunez uu kulankiisii ugu dambeeyay ee ganaaxii kaadhka cas ku maqnaanayo.

Liverpool ayaan la filayn inay isbedelo badan samayso kulankan balse Kostas Tsimikas ayaa booska daafaca bidix kasoo muuqan kara taas oo ka dhigan in la nasin karo Andrew Robertson.

Dhinaceeda Newcastle ayay kulankan ka maqan yihiin xiddigaheeda ugu muhiimsan ee weeraryahan Callum Wilson iyo khadka dhexe ee Bruno Guimaraes.

Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha kulankan ee Allan Saint-Maximin oo ahaa xiddiga ugu halista badan kulamadii ugu dambeeyay.

Intaas waxa dheer in Magpies ay wali aqbalaada shaqo u raadinayaan saxeexa rekoodhka ah ee Alexander Isak oo dhawaan kaga yimid Real Sociedad.

Shaxda Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Carvalho; Salah, Firmino, Diaz

Newcastle United (4-3-3): Pope; Trippier, Schar, Botman, Targett; Willock, Sean Longstaff, Joelinton; Almiron, Wood, Fraser.

Xogta Ciyaarta

Tartanka Premier league-ga

Saacada 22:00 pm Waqtiga Geeska Africa

Garoonka Anfield Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*