Hordhac: Malmö FF Vs Juventus Kulankooda Champions League-ga, Shaxda Labada koox iyo Xidigaha Maqan

kooxda Malmo ee ka dhisan Dalka Sweden ayaa garoonkooda Eleda Stadion ku soo dhaweeneysa kooxda Juventus ee Dalka Taliyaaniga kulan ka tirsan Champions leagu-ga Guruubka H, Kulanka ka hor waxaa xusid mudan in Xaalka Juventus uu liito iyadoo laga badiyay kulankooda ugu danbeeya ee Horyaalka oo ay la ciyaareen Napoli.

Wararka Labada Kooxood

Malmö: Kooxda martida loo yahay waxaa ka maqnaan doona Jonas Knudsen, Ola Toivonen, Sergio Pena, Niklas Moisander, Johan Dahlin iyo Oscar Lewicki, kuwaasoo dhamaantood ka soo kabanaya dhaawacyo.

Juventus: kooxda Talyaaniga waxaa ka maqnaan doona Federico Chiesa, Kaio Jorge, Hans Nicolussi Cavigliq, Arthur iyo Aaron Ramsey, kuwaas oo dhammaantood dhaawacyo ku maqnaa.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Malmo XI (4-4-2) : Johan Dahlin; Noah Eile, Lasse Nielsen, Franz Brorsson, Felix Bejimo; Soren Rieks, Anders Christiansen, Erdal Rakip, Jo Inge Berget; Veljko Birmancevic, Antonio Colak

Juventus FC XI (3-5-2) : Wojciech Szczesny; Giorgio Chiellini, Matthijs de Ligt, Leonardo Bonucci; Mattia De Sciglio, Adrien Rabiot, Manuel Locatelli, Luca Pellegrini, Federico Bernardeschi; Alvaro Morata, Dejan Kulusevski

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Malmö iyo Juventus ayaa markii saddexaad ku kulmi doona tartamada Yurub kulankan, iyadoo ay tani tahay markii labaad oo ay labaduba isku arkaan  isla Group -ka UEFA Champions League.

Juventus ayaa badisay kulamadii gurigooda iyo martigelintii ay la ciyaartay kooxda reer Sweden ololihii 2014-15.

Juventus ayaan waligeed guuldaro kala kulmin koox reer Sweden ah tartamada yurub, waxay badisay 3 kulan halka ay barbaro gashay mid ka mid ah afartii kulan ee hore, oo ay ku jiraan guulo saddexdii ugu dambeysay.

Malmoe FF Vs Juventus

Tartanka Champions League

Saacada (19:45pm Somalia) (18:45pm Yurub)

Garoonka Eleda Stadion

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*