
Kooxda booska labaad ka joogta Premier League ee Manchester City ayaa maanta qaabilaysa dhigeeda Wolves oo ku jirta dedaalka ay horyaalka baaqi ugu ahaan lahayd kaddib qaab xun oo ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay.
City ayaa haatan shan dhibcood u jirta hoggaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal oo kulan baaqi u yahay, guul ay galabta sii gaadhaan ayay si kumeel-gaadh ah laba dhibcood ugu jirsan karaan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Man City ayaa haysata saf buuxa oo caafimaad qaba, Ruben Dias ayaa kusoo bilaaban kara kaddib mudo uu dhaawac ku maqnaa iyadoo Walker iyo Cancelo garbaha daafaca dheeli karaan kaddib markii ay keydka fadhiisteen kulankii ugu dambeeyay ee Tottenham.
Mahrez oo wakhti fiican galay ayaa weerarka kula soo bilaaban kara Foden iyo Haaland halka Gundogan iyo De Bruyne oo isagu nastay kulankii Tottenham ay Rodri dhexda kala soo muuqan karaan.
Saxeexyada cusub ee Pablo Sarabia iyo Matheus Cunha ayaa weerarka Wolves kusoo wada bilaaban kara iyagoo la dheelaya Traore iyo Podence.
Shaxaha Macquulka Ah
Wolves (4-2-3-1): Sa; Semedo, Collins, Kilman, Bueno; Neves, Nunes; Traore, Sarabia, Podence; Cunha
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Etihad Stadium
Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: David Coote
Be the first to comment