Hordhac: Manchester City Vs Manchester United ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester City ayaa wajihi doontaa imtaxaan kulanka ay maanta Etihad Stadium ku qaabilayso dhigeeda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester United.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee Manchester Derby ah ee uu Man United layliyo tababare Erik Ten Hag isaga oo kahor tagaya Pep Guardiola oo uu mar Bayern Munich kula soo shaqeeyay.

Wararka Labada Koox

Kooxda Premier League difaacanaysa ayuu kulankan ka maqnaan doonaa John Stones oo xulka England kusoo dhaawacmay balse Guardiola ayaa dib u helaya Aymeric Laporte oo mudo dheer dhaawac ku maqnaa.

Sidoo kale saxeexii xagaagii ee Kalvin Phillips ayaa maqnaan doona kaddib qaliin garabka ah oo uu galay balse Sky Blues ayaa khadka dhexe aad uga hubaysan.

Manuel Akanji ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe Ruben Dias kala soo muuqdo iyadoo Kyle Walker daafaca midig kusoo laabanayo.

Grealish ayaa markale weerarka kasoo muuqan kara isagoo kasoo hormaraya Riyad Mahrez halka Bernardo Silva gacanta sarre ka heli karo Gundogan.

Dhinaca Man United waxa dhaawac ku maqan kabtan Harry Maguire si lamid ah Axel Tuanzebe iyo Brandon Williams balse Ten Hag ayaa tababarka dib uga helay weeraryahanadiisa Marcus Rashford iyo Anthony Martial.

Scott McTominay oo bandhigyo fiican soo samaynayay kulamadii ugu dambeeyay ayay u badantahay inuu kusoo bilawdo taas oo ka dhigan in Casemiro wali keydka sii fadhiyi karo.

Marba haddii uu soo kabtay Rashford ayaan la filayn in Ronaldo weerarka Man United kusoo bilaaban doono.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Koox

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Akanji, Dias, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Foden, Haaland, Grealish

Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Varane, Martinez, Malacia; McTominay, Eriksen; Antony, Bruno Fernandes, Sancho; Rashford.

Xogta Ciyaarta

Tartanka Premier league-ga

Saacada 16:00 Pm Geeska Africa

Garoonka Etihad Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*