Hordhac: Manchester City Vs Nottingham Forest ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Man City oo doonaysa inay sii wadato xilli ciyaareedka guuldarro la’aanta ay ku bilaabatay ayaa caawa Etihad Stadium kusoo dhawaynaysa kooxda dhawaan usoo dalacday horyaalka ee Nottingham Forest.

Sky Blues ayaa isha ku haya guul ay cadaadiska ugu sii hayaan Arsenal oo haatan laba dhibcood hoggaanka kaga haysa oo caawa iyaduna Aston Villa la ciyaaraysa.

Wararka Labada Koox

Pep Guardiola ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub ku qabin kooxdiisa Man City balse waxa wali sii maqnaan doona daafaca dhexe ee Aymeric Laporte si lamid ah Nathan Ake, Jack Grealish iyo Kalvin Phillips ayaa dhammaantood dhaawacyo qaba.

Arrinta ugu hadal haynta badan ayaa ah in kulankan nasiimo loo diri karo weeraryahan Erling Haaland iyadoo uu booska weeraryahanka dhexe Julian Alvarez kusoo bilaabanayo.

Sidoo kale khadka dhexe ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo Ilkay Gundogan taas oo ka dhigan inay u badantahay in Bernardo Silva keydka kusoo bilaaban doono.

Dhinaca kooxda martida ah macalin Steve Cooper ayaa waayaya xiddigaha kala ah Orel Mangala oo mudo dheer maqnaan doona iyo Omar Richards iyo Moussa Niakhate.

Shaxda Labada Kooxood

Man City  (4-3-3): Ederson; Walker, Dias, Stones, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Alvarez, Foden

Nottingham (3-4-2-1): Henderson; Worrall, Cook, McKenna; Williams, Yates, Freuler, Toffolo; Johnson, Gibbs-White; Awoniyi.

Xogta Ciyaarta

Tartanka Premier league-ga

Saacada 21:30 pm Waqtiga Geeska Africa

Garoonka Etihad Stadium

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*