Hordhac: Manchester City Vs Paris Saint-Germain ee Champions League, Shaxda Macquulka, iyo Xidigaha ka Maqan Labada Koox

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda Reer France ee PSG Lugta labaad ee Wareega Semi-finalka Champions league. City ayaana kulankan ciyaareysa iyadoo todobaadka danbe ku guuleysan karta horyaalka Premier league isla markana hal lug kula jirta Champions league.

Manchester City Vs Paris Saint-Germain

Tartanka Champions league

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Manchester City: ayaa sameesay Dib u soo kabasho dhowr ah toddobaadyadii la soo dhaafay, Pep Guardiola iyo Manchester City waxay heystaan ​​koox buuxda oo taam ah. Cityzens ayaa nasisay dhowr xidig oo waa weyn kulankii Crystal Palace ee isbuucaan, waxaana ka mid ah Kevin De Bruyne iyo Ilkay Gundogan oo isku diyaarinaya inay safka ku soo laabtaan kulankan adag.

Paris Saint-Germain: Taam ahaanshaha Kylian Mbappe ayaa walaac weyn ku abuurtay kooxda reer Paris xilligan iyada oo xidiga reer France uu seegay tababbarro dhawr ah todobaadkan. Idrissa Gueye ayaa casaan qaatay lugtii hore isagoo ganaax uga maqan kulankan.

Dhaawac: Juan Bernat

Shaki: Kylian Mbappe

laga ganaaxay : Idrissa Gueye.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester City XI (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, Ruben Dias, John Stones, Kyle Walker; Rodri, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva; Kevin De Bruyne, Phil Foden, Riyad Mahrez.

Paris Saint-Germain XI (4-2-3-1): Keylor Navas; Mitchel Bakker, Presnel Kimpembe, Marquinhos, Alessandro Florenzi; Leandro Paredes, Ander Herrera; Marco Verratti, Angel Di Maria, Neymar; Mauro Icardi.

Xaqiiqooyinka Dhexmaray labada koox

Manchester City ayaa rikoor layaableh ka heysata kooxda Paris Saint-Germain waxayna badisay laba ka mid ah afartii kulan ee ay ciyaareen labada koox. Paris Saint-Germain waligeed kama adkaan Cityzens kulan rasmi ah waxayna u baahan doontaa inay kulankan badiyaan.

Lugtii hore ee labadan koox isbuucii hore waxay markhaati ka noqotay soo laabasho layaableh oo qaybtii dambe ee ciyaarta ka timi Manchester City waxayna ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda reer England. 

Paris Saint-Germain ayaa u baahan in kulankan ay sameesyo isbadal badan si ay ugu soo baxaan finalka koobkan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*