Manchester United ayaa isku dayi doonta inay guul ku furato xilli ciyaareedka 2022-23 oo ay kulankiisa koowaad Old Trafford kusoo dhawaynayso dhigeeda Brighton.
Kulankan maanta ayaa noqonaya midkii koowaad ee tartan ah iyo midkii ugu horreeyay ee Premier League ee uu Erik Ten Hag layliyo Manchester.
Wararka Labada Koox
Man United ayay dhirbaaxo dhaawac haleeshay kahor kulankan waxaana maqnaanaya weeraryahan Anthony Martial oo kamid ahaa xiddigaha ugu bandhiga fiican kulamadii saaxiibtinimo.
Sidoo kale Brandon Williams ayaa kulankan dhaawac ku seegaya balse waxa soo kabtay Luke Shaw oo isagu ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo.
Saxeexa cusub ee Lisandro Martinez ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe kala soo muuqdo Harry Maguire taas oo ka dhigan inuu keydka kusoo bilaabanayo Raphaen Varane.
Sidoo kale Tyrell Malacia ayay u badantahay inuu daafaca bidix kaga horreeyo Shaw halka Fred iyo McTominay ku bahoobayaan khadka dhexe.
Lama hubo haddii Cristiano Ronaldo kusoo bilaaban doono kulankan, waxa jirta suurogalnimo uu Marcus Rashford booska weeraryahanka kaga ciyaarayo oo Elanga garabka ugu soo bilaabanayo maadaama CR7 uusan wakhti ku filan soo ciyaarin kulamadii diyaar garawga.
Dhinaca Brighton xiddiga kaliya ee la hubo inuu maqnaanayo ayaa ah Jacub Moder, tababare Graham Potter ayaa haysta dhammaan xiddigaha kale ee safkiisa.
Shaxda Labada Koox
Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Maguire, Martinez, Malacia; McTominay, Fred; Elanga, Fernandes, Sancho; RashfordÂ
Brighton (3-4-2-1): Sanchez; Veltman, Dunk, Webster; Lamptey, Mwepu, Gross, March; Trossard, Mac Allister; Welbeck
Manchester United Vs Brightonl
Tartanka Premier league-ga
Saacada 16:00 Pm Xiliga Africa
Garoonka Old Trafford