
Xulka Spain ayaa caawa la ballansan dhigiisa Morocco oo kamida dalalka sida lama filaanka ah wacdaraha uga dhigaya koobkan aduunka.
Morocco ayaa kaalinta koowaad kaga soo gudubtay Group ay kula jirtay Croatia, Belgium iyo Canada halka Spain ay labaad kaga soo dhammaysatay midkii ay la wadaagaysay Germany, Costa Rica iyo Japan.
Wararka Labada Xul
Dhinaca Morocco waxa xaalad canqawga ah la tacaalaya daafaca midig ee Achraf Hakimi oo seegay tababarkii buuxay ee Sabtidii, Hakimi ayaa la filayaa inuu diyaar u noqdo ciyaartan.
Sida kale tababare Regragui ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo shaxdii uu Canada kaga hortagay kulankii ugu dambeeyay.
Dhinaca Spain tababare Luis Enrique ayaa kusoo celin doona shaxdiisa xiddigihii uu nasiyay kulankii Japan sida Jordi Alba, Ferran Torres, Aymeric Laporte iyo Dani Carvajal isagoo keydka ku celinaya Azpilicueta, Williams, Alejandro Balde iyo Pau Torres.
Khadka dhexe ayaan la filayn inuu Enrique isbedelo ku sameeyo isagoo markale kusoo wada bilaabi doona saddexleyda Barcelona ee Pedri, Gavi iyo kabtan Busquets.
Shaxdaa Labada Xul ee Macquulka
Morocco(4-3-3)Bono; Hakimi, Aguerd, Saiss, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Sabiri; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.
Spain(4-3-3)Simon; Carvajal, Rodri, Laporte, Alba; Gavi, Busquets, Pedri; Torres, Morata, Olmo.
Xogta Ciyaaro
Tartanka: koobka aduunka 2022.
Wakhtiga: 18:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Education City Stadium
Garsoore: Fernando Rapallini (Argentina)
Be the first to comment