Hordhac: Morocco Vs Portugal ee Koobka Adduunka, Wararka Labada Xul iyo Shaxda Macquulka

xulka qaranka Morocco ayaa Al Thumama Stadium kula kulmaya xulka Portugal wareega 8 dhamaadka ee Koobka Adduunka.

Labada Xul ayaa u dagaalamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen afar dhamaadka, Atlas Lions ayaa iska difaacay Spain ka hor inta aanay si adag ugu guulaysan rigoorayaal si ay heerkan u soo gaadhaan markii ugu horaysay, halka Selecao ay ahayd koox is badal ku samaysay markii ay Switzerland ku xasuuqday 16 ka.

Wararka Labada Xul

Portugal: Nuno Mendes ayaa laga saaray koobka adduunka kadib dhaawac cajarka kasoo gaaray.

Danilo Pereira ayaan ka mid ahayn Xulkii guusha ka gaadhay Switzerland waxayna u badan tahay in uu kulankan seegi doono.

Goncalo Ramos ayaa laga yaabaa inuu booskiisa sii haysto ka dib saddexdii gool ee uu ka dhaliyay Switzerland.

Romain Saiss ayaa la Qiimeenayaa ciyaarta ka hor, ka dib markii laga daaweeyay xanuunka muruqa, ka hor inta uusan ciyaarin Kulankii Spain.

Nayef Aguerd ayaa u muuqda mid seegaya ka dib markii uu ka soo muuqday guushii ay ka gaareen Spain isagoo u muuqday mid dhaawac kasoo gaaray gumaarka.

Shaxda Labada Xul ee Macquulka

Morocco: Bounou; Hakimi, Saiss, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal

Portugal: Costa; Dalot, Pepe, Dias, Guerreiro; B. Silva, Carvalho, Otavio; Fernandes, Ramos, Felix.

Xogta Ciyaaro

Tartanka: Koobka Adduunka

Saacada 18:00 Pm Xiliga Geeska Africa

Garoonka: Al Thumama Stadium

Garsooraha: Facundo Tello (Argentina)

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*