Xulka Portugal ee uu hormoodka u yahay Cristiano Ronaldo ayaa caawa imtaxaan adag ku maraya koobka aduunka wareegiisa 16-ka iyagoo la ballansan xulka dhibta badan ee Switerland.
Portugal ayaa booska koowaad kaga soo baxay Group uu la wadaagay Uruguay, Ghana iyo South Korea halka ay Switerland labaad kaga soo dhammaysteen midkii ay kula jireen Brazil oo ay isku dhibco ahaayeen, Serbia iyo Cameroon.
Wararka Labada Xul
Portugal ayay ka maqnaan doonaan Danilo Pereira iyo Nuno Mendes. Diogo Dalot ayaa isha ku haya inuu boos ka helo kulankan tababare Fernando Santos isagoo daafaca kala bixi kala Raphael Guerrero.
Carvalho ayaa markale khadka dhexe kala soo muuqan kara Bernardo Silva iyo Ruben Neves halka Bruno Fernandes ka dambayn doono Cristiano Ronaldo iyo Joao Felix.
Switerland dhinaceeda ma qabto wax dhaawac ah, goolhaye Yann Sommer iyo daafaca dhexe ee Nico Elvedi ayaa labaduba kasoo kabtay xanuuno haleelay.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul:
Portugal(4-3-1-2): Costa; Cancelo, Pepe. Neves, Guerreiro; Silva, Carvalho, Neves; Fernandes; Felix, Ronaldo.
Switerland(4-2-3-1): Sommer; Widmer, Akanji, Elvedi, Rodriguez; Freuler, Xhaka; Shaqiri, Sow, Vargas; Embolo.
Xogta Ciyaaro
Tartanka: Koobka aduunka 2022
Wakhtiga: 22:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garaoonka: Lusail Stadium