Horudhac: Real Madrid Vs Getafe ee Horyaalka La Liga Spain, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Santiago Bernabeu kusoo dhawayn doonta dhigeeda Getafe xilli ay ujeedadeedu tahay inay sii xaqiiqsato hoggaankeeda dheer ee ay ku haysay horyaalka La Liga.

Kaddib guul ay xalay gaadhay Sevilla, Los Blancos ayaa haatan sagaal dhibcood ku haya hoggaanka balse haddiiba ay adkaadaan caawa ayay 12-kii dhibcood ku celin doonaan.

Wararka Labada Kooxood

Real Madrid ayay markale ka maqnaan doonaan Eden Hazard iyo Luka Jovic oo labaduba dhaawacan, Ferland Mendy ayaa tababarkii ugu dambeeyay sababo daal u qaadan waxaana macquul ah in loo nasiyo kulanka Chelsea.

Nacho ayaa kusoo bilaaban kara booska daafaca bidix ee Mendy halka uu daafaca midig Dani Carvajal kala bixi karo Lucas Vazquez.

Haddiiba uu Ancelotti nasiimo u diro Luka Modric iyo Toni Kroos ayuu bedelkooda kusoo bilaabi karaa Eduardo Camavinga iyo Federico Valverde.

Getafe ayay kulankan ganaaxyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Jakub Jankto iyo Mauro Arambarri halka ay sidoo kale dhaawacyo kulankaas ku waayi karto kooxdaasi Jaime Mata iyo Jonathan Silva.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Vazquez, Militao, Alaba, Nacho; Valverde, Casemiro, Camavinga; Asensio, Benzema, Vinicius.

Getafe (3-5-2): Soria; Mitrovic, Dakonam, Cabaco; Suarez, Maksimovic, Villar, Alena, Olivera; Unal, Ramirez

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*