Home Wararka Ciyaaraha Hordhac: Real Madrid Vs Atletico Madrid ee Koobka Copa Del Rey, Wararka...

Hordhac: Real Madrid Vs Atletico Madrid ee Koobka Copa Del Rey, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0
Ad

Kooxaha caasimada Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa caawa isku faro-saaraya gegida Santiago Bernabeu kulan ah siddeed dhammaadka Copa Del Rey.

real Madrid ayaa koobkan kula soo guuleysatay Ancelotti sanadkii 2014 halka Rojiblancos ay ugu dambaysay 2013, kaddib labadaas sano ee is xigay ayuusan midkoodna kooxaha Final gaadhin.

Ad

Wararka Labada Kooxood

Real Madrid ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Aurelien Tchouameni, Eden Hazard, Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez halka David Alaba uu tababarka kusoo laabtay.

Camavinga oo kulankii ugu dambeeyay ee Bilbao wacdarro dhigay ayaa khadka dhexe kala soo muuqan kara Kroos iyo Modric halka Valverde weerarka la dheeli karo Benzema iyo Vinicius isagoo Marco Asensio weerarka kaga soo hormaraya.

Diego Simeone ayaa dib usoo dhawaynaya Sergio Reguilon iyo Stefan Savic oo ganaaxyo kaga maqnaa balse Jose Gimenez ayaa dhaawac muruqa ah la dhibtoonaya.

Saxeexii bishan ee Memphis Depay ayaa kulankiisii koowaad Atleti ugu soo bilaaban kara isagoo weerarka kala ciyaaraya Griezmann iyo Carrasco.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Nacho, Rudiger, Alaba, Mendy; Modric, Camavinga, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius Jr.

Atletico Madrid (4-3-3): Oblak; Molina, Savic, Hermoso, Reinildo; Llorente, De Paul, Kondogbia, Carrasco; Griezmann, Depay

Xogta Ciyaarta

Tartanka: Copa Del Rey

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Cesar Soto

Previous articleHORDHAC: Real Madrid v Atletico oo caawa isku faro-saaraya gegida Santiago Bernabeu
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah 26-ka January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here