Real Madrid ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo hogaanka horyaalka La Liga marka ay dib u bilaabato ololaheeda ay ku marti galinayso Real Valladolid Caawa.
Los Blancos ayaa hadda ku jirta kaalinta 2-aad ee horyaalka iyada oo laba dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka haysa ee Barcelona, halka Real Valladolid ay ku jirto kaalinta 12-aad iyaga oo 17 dhibcood ka helay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan.
Wararka Labada Koox
Kenedy waa dhaawaca kaliya ee Real Valladolid laga soo sheegay isagoo ka soo kabanaya xanuunka gumaarka.
dhanka kale Ma jiraan wax walaac ah oo dhaawac ah oo laga soo sheegay ama ganaax ku yimid Real Madrid.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Real Valladolid: Masip; Fresneda, Fernandez, J Sanchez, Escudero; Perez, Aguado; I Sanchez, Plano, Mesa; Weissman
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Valverde, Ceballos, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius.
Xogta Ciyaarta
Tartanka: La Liga
Saacada: 23:30 Pm xiliga Geeska Africa
Garoonka: Estadio Jose Zorrilla
Garsooraha: Jose Munuera (Spain)