Horudhac: Barcelona Vs Real Betis ee Horyaalka La-Liga Spain, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Barcelona ayaa doonaysa in ay saddex guul oo xidhiidh ah gaadho horyaalka La Liga isagoo hogaaminaya tababaraha cusub ee Xavi marka ay Camp Nou kusoo dhawaynayso kooxda Real Betis galabta.

Kooxda reer Catalan ayaa kulankan ciyaareysa iyadoo guul 3-1 ka gaartay Villarreal todobaadkii hore, halka Betis ay dheeshay Copa del Rey Arbacadii, iyada oo 4-0 kaga badisay CFI Alicante.

Wararka Labada Koox

Barcelona ayaa markale waayi doonta adeega Martin Braithwaite , Ansu Fati , Pedri , Sergio Roberto iyo Sergio Aguero tartanka La Liga todobaadkan.

Jordi Alba ,ayaa la filayaa inuu ka soo kabsado dhibaatada muruqa ee ku qasabtay inuu ka baxo garoonka kulankii Villarreal ee horyaalka kulankii ugu dambeeyay.

Ousmane Dembele ayaa haatan laga yaabaa inuu ku soo bilowdo, ka dib markii uu ka soo kabtay dhibaato muruqa ah, waxaana laga yaabaa in ciyaaryahanka reer France uu kula biiro Memphis Depay iyo Gavi qeybta weerarka ee garoonka.

Eric Garcia ayaa mar kale ka ciyaaraa daafaca midig.

Betis, Hector Bellerin ayaa diyaar ah ka dib ganaax, laakiin Nabil Fekir ayaa qaadan doona ganaax kaligiis ah, iyadoo ciyaaryahanka reer France uusan diyaar u aheyn in loo soo xusho Camp Nou.

Youssouf Sabaly iyo Claudio Bravo ayaa sidoo kale dhaawacyo ku seegaya, halka Martin Montoya uu shaki ku jiro.

Maqnaanshiyaha Fekir ayaa albaabka u furi doonta in Rodri uu ka soo muuqdo weerarka isagoo ka garab ciyaari doona Sergio Canales iyo Juanmi , halka Willian Jose la filayo inuu hogaamiyo weerarka.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Barcelona: Ter Stegen; Garcia, Araujo, Pique, Alba; F de Jong, Busquets, Nico; Dembele, Memphis, Gavi

Real Betis: Silva; Bellerin, Pezzella, Ruiz, Moreno; Rodriguez, Guardado; Canales, Rodri, Juanmi; Willian Jose.

Barcelona Vs Real Betis

Tartanka La Liga Spain

Saacada Saacada (18:15 pm Somalia) (16:15 pm Yurub)

Garoonka Camp Nou Stadium

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*