Hordhac: West Ham United Vs Manchester City ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Man City ayaa booqanaysa dhigeeda West Ham United kulankeeda furitaanka Premier League ee xilli ciyaareedkan 2022-23 iyadoo labada kooxoodba saddexda dhibcood raadinayaan.

Pep Guardiola ayaa isha la raacaya inuu markii saddexaad ee xidhiidh ah ku guuleysto Premier League balse goobta uu ka bilaabayo loolankaas ayay ku sugayaan David Moyes iyo wiilashiisu.

Wararka Labada Koox

David Moyes ayaa dhaawacyo badan ku qaba kooxdiisa West Ham kahor kulankan, saxeexa cusub ee daafaca dhexe ee Nayef Aguerd ayaa maqnaanaya tobban toddobaad kaddib qaliin uu u maray dhaawac kulamadii saaxiibtinimo gaadhay.

Ogbonna ayaa wali kasoo kabanaya dhaawac jilibka ah oo xilli ciyaareedkii hore badi seejiyay halka aysan wali diyaar ahayn saxeexyada kale ee dhawaan galka ah ee Gianluca Scamacca iyo Maxwel Cornet.

Dhinaca kale Aymeric Laporte ayaa ah maqnaanshaha ugu weyn ee Man City, xiddiga xulka Spain ayaan la filayn inuu soo laabto kahor bisha September.

Saxeexyada cusub ee Erling Haaland, Julian Alvarez iyo Kalvin Phillips ayaa dhammaantood kulankoodii ugu horreeyay ee Premier League ciyaari doona iyadoo Alvarez iyo Phillips bedel kusoo galayaan.

Jack Grealish ayaa la filayaa inuu keydka u laabto iyadoo uu kasoo hormarayo Phil Foden halka uu garabka kale Riyad Mahrez kusoo bilaabanayo.

Shaxda Labada Koox

West Ham (4-2-3-1): Fabianski; Coufal, Zouma, Dawson, Cresswell; Rice, Soucek; Bowen, Fornals, Benrahma; Antonio

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Dias, Ake, Cancelo; De Bruyne, Rodri, Bernardo; Mahrez, Haaland, Foden

West Ham United Vs Man City

Tartanka Premier league-ga

Saacada 18:30 Pm Xiliga Africa

Garoonka London Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*