Home Warka Xiisaha Leh Hordhac: Wolves v Liverpool-ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo shaxda...

Hordhac: Wolves v Liverpool-ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo shaxda Macquulka

0
Ad

Liverpool oo ku fashilantay inay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka wax guul ah gaadho ayaa caawa martiyaysa Wolverhampton Wanderers xilli cadaadis ku saaran yahay inay wadada guulaha kusoo laabtaan.

Labadan kooxood ayaa bishii hore FA Cup ku kulmay waxaana kaddib barbardhac 2-2 ah oo lagu kala bixi waayay kulankii hore kulankii dambe 1-0 ku guuleysatay kooxda Jurgen Klopp.

Ad

Wararka Labada Kooxood

Wolves waxa ka maqnaan doona xiddigaha kala ah Chiquinho, Pedro Neto, Sasa Kalajdzic, iyo Boubacar Traore.

Liverpool dhinaceeda waxay dhaawacyo ku tabi doontaa xiddigaha kala ah Arthur Melo, Luis Diaz, Diogo Jota, Virgil van Dijk, iyo Ibrahima Konate.

Matip iyo Gomez ayaa la filayaa inay daafaca dhexe kusoo wada bilawdaan halka Henderson, Fabinho iyo Thiago khadka dhexe kasoo wada muuqan karaan.

Klopp ayaa lagu wadaa inuu markale kusoo bilaabo saxeexiisa cusub ee Cody Gakpo oo aan wali waxba laga hayn tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Wolves (4-2-3-1): Sa; Semedo, Collins, Kilman, Bueno; Neves, Nunes; Traore, Sarabia, Hee-chan; Jimenez

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold; Matip, Gomez, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Nunez, Gakpo

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Molineux Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Paul Tierney

Previous articlePierre-Emerick Aubameyang oo diyaarad khaas ah kaga duulay waddanka Ingiriiska
Next article“Mid kamida tusaalayaasha ugu fiic ani waa Marcus Rashord”Jurgen Klopp oo tusaale Cajiib ah u adeegsaday weeraryahanka Man United ee Marcus Rashford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here