Hordhac: Wolves Vs Manchester City ee Horyaalka Premier league-ga Wararka Labada Kooxda, iyo Shaxda Macquulka

Manchester City oo ay ujeedadeedu tahay inay ugu yaraan si kumeel gaadh ah hoggaanka Premier League usii qabato ayaa booqanaysa dhigeeda Wolves kulan xiiso badan.

Premier League ayaa dib u bilaabmaya toddobaadkan walow saddex kulan markale loo baajiyay sababta geerida boqoradii England, City ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka ah barbardhac lasoo gashay Aston Villa halka Wolves kulankeedii ugu dambeeyay guul ka gaadhay Southampton

Wararka Labada Koox

Bruno Lage ayaa tiro dhaawacyo ah ku qaba kooxdiisa Wolves kahor kulankan, dhaawaca ugu weyn ayaa ah mid jilibka ah oo kulankiisii koowaadba haleelay weeraryahanka saxeexa cusub ee Sasa Kalajdzic.

Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa haddii uu kulankan kasoo gaadhi doono weeraryahan Raul Jimenez oo dhaawac ku maqnaa, dhinaciisa saxeexii ugu dambeeyay ee Diego Costa ayaan la hubin haddii uu taam ahaansho jidh ciyaareed qabo maadaama oo uu mudo dheer koox la’aan ahaa kulamona ciyaarin.

Dhinaca Man City waxa tababarka dib u bilaabay mudoba daafaca dhexe ee Aymeric Laporte halka daafaca midig ee Kyle Walker uu wali kasoo kabanayo jug ku gaadhay kulankii Villa.

John Stones ayaa daafaca midig kasoo muuqan kara iyadoo Joao Cancelo kasoo muuqanayo daafaca bidix halka Nathan Ake iyo saxeexa cusub ee Manuel Akanji ay ku dagaalami karaan booska kale ee daafaca dhexe kaddib Ruben Dias.

Shaxda Labada Kooxood ee Macquulka

Wolves 4-3-3): Sa; Jonny, Kilman, Collins, Ait-Nouri; Nunes, Neves, Moutinho; Neto, Hwang, Podence

Man City (4-3-3): Ederson; Stones, Akanji, Dias, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Silva, Haaland, Foden

Xogta Ciyaarta

Tartanka Premier league-ga

Saacada 14:30 pm Waqtiga Geeska Africa

Garoonka Molineux Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*