Home Wararka Ciyaaraha Hordhac: Young Boys Vs Manchester United oo ku kulmaya Champions League-ga, Shaxda...

Hordhac: Young Boys Vs Manchester United oo ku kulmaya Champions League-ga, Shaxda Labada koox iyo Xidigaha Maqan

0

Kooxda young Boys ayaa Garoonkooda Stade de Suisse Wankdorf kula ciyaareysa kooxda reer England ee Manchester United kulan ka tirsan Champions league Guruubka F, Xidiga Ronaldo ayaana kulankiisa labaad soo muuqanaya iyadoo loo badinayo in uu keydka fadhiisan karo.

Wararka Labada Kooxood

Young Boys: waxaa ka maqnaan doona Fabian Lustenberger, weeraryahanka reer Cameroon Jean-Pierre Nsame iyo weeraryahanka da’da yar Joel Monteiro. Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka daafaca bidix ee Faransiiska Jordan Lefort iyo qadka dhexe Esteban Petignat.

Manchester United: Dhanka kale, tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ma awoodi doono inuu u yeero adeega daafaca bidix ee reer Brazil Alex Telles, garabka da’da yar ee reer Ivory Coast Amad Diallo iyo weeraryahanka Marcus Rashford. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka goolhaye Dean Henderson, daafaca dhexe Phil Jones, Scott Scott McTominay iyo weeraryahanka rugcadaaga ah ee reer Uruguay Edinson Cavani.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Young Boys XI (4-4-2): David von Ballmoos, Silvan Hefti, Sandro Lauper, Mohamed Ali Camara, Ulisses Garcia, Christian Fassnacht, Christopher Martins Pereira, Michel Aebischer, Moumi Ngamaleu, Meschak Elia, Jordan Siebatcheu.

Manchester United XI (4-2-3-1): David de Gea , Diogo Dalot, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw, Donny van de Beek, Fred, Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Jesse Lingard, Cristiano Ronaldo

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Laba kulan oo fool-ka-fool ah oo dhex maray labada kooxood, Manchester United ayaa badisay labada kulanba.

Labada naadi ayaa markii ugu dambeysay iskaga hor yimid 2018 tartanka UEFA Champions League, iyadoo Manchester United ay 1-0 ku garaacday kooxaha ka soo horjeeda. Gool dabayaaqadii qeybtii labaad ah oo uu dhaliyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Marouane Fellaini ayaa guusha u xaqiijiyay Manchester United.

Young Boys Vs Manchester United

Tartanka Champions League

Saacada (19:45pm Somalia) (18:45pm Yurub)

Garoonka Stade de Suisse Wankdorf

 

Previous articleHordhac: Barcelona Vs Bayern Munich Kulankooda Champions League, Shaxda, iyo Xidigaha ka maqan labada dhinac
Next articleHordhac: Chelsea Vs Zenit St. Petersburg Kulankooda Champions league-ga, Liiska Xidigaha ka Maqan labada dhinac, iyo Shaxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here