Home Wararka Ciyaaraha Hordhaca: Liverpool vs Porto ee Champions league-ga Guruub B, Wararka Labada Koox...

Hordhaca: Liverpool vs Porto ee Champions league-ga Guruub B, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

0
Ad

Kooxda Liverpool oo iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka Champions League , ayaa garoonka Anfield ku soo dhawayn doontaa kooxda Porto kulan ka tirsan Group-ka B Arbacada.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku faantaa rikoor fiican oo ay ku heleen 12 dhibcood afar kulan oo ay ciyaartay ilaa haatan, halka kooxda martida ah ay fadhiso kaalinta labaad ee kala sarreynta iyagoo leh shan dhibcood.

Ad

Wararka Labada Koox

Curtis Jones, Roberto Firmino iyo Harvey Elliot ayaa dhammaantood dhaawac ku seegaya kulankan halka sidoo kale Diogo Jota uu u baahan doono in baadhitaan lagu sameeyo kaddib jug ka gaadhay jilibka kulankii Arsenal ee toddobaadkan.

Andy Robertson ayaa rajaynaya inuu soo laaban doono kaddib markii uu seegay kulankii Arsenal ee Sabtidii halka sidoo kale rajo fiican laga qabo in James Milner iyo Naby Keita ay kusoo laaban doonaan ciyaartan balse Joe Gomez ayaa lagu wadaa inuu markale maqnaan doono.

Divock Origi ayaa haddii uu xanuun yar oo haya kasoo kabto hoggaamin doona safka weerarka halka Minamino, Neco Williams iyo Ibrahima Konate ay dhammaantood fursad weyn u haystaan inay kusoo bilawdaan.

Dhinaca kale Porto ayaa haysata saf ciyaaryahano ah oo dhammaantood taam ah isla markaana diyaar u ah kulankan. Daafaca ruugcaddaaga ah ee Pepe ayaa la filayaa inuu booska kala bixi doono Fabio Cardoso.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Liverpool: Alisson; Williams, Konate, Matip, Tsimikas; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Thiago; Salah, Origi, Minamino

Porto: Marchesin; Corona, Pepe, Mbemba, Sanusi; Otavio, Uribe, Oliveira, Diaz; Taremi, Evanilson.

Liverpool vs Porto

Tartanka Champions league-ga

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Anfield Stadium.

 

Previous articleHordhaca: Manchester City Vs Paris Saint-Germain ee Champions league-ga Guruub A, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka
Next articleHordhaca: Sheriff Vs Real Madrid ee Champions league-ga Guruub D, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here