
Manchester City oo raadinaysa inay ka aarsato PSG guuldaradii bishii September ee Garoonka Parc des Princes, ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaynaysaa Paris Saint-Germain kulanka ka tirsan Champions League Guruubkiisa A .
Kooxda martida loo yahay ee City ayaa hadda fadhisa kaalinta 1aad iyagoo leh sagaal dhibcood, laakiin PSG ayaa hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa waxayna todobaadkan isha ku haysaa u soo bixitaanka wareega xiga.
Wararka Labada Koox
Man City ayaa kulankan baaqi kusii ahaan doonta maqnaashaha Kevin De Bruyne kadib markii laga helay xanuunka Coronavirus, waxaana la arki doonaa hadii Jack Grealish uu taam u noqon doono kadib markii uu dhaawac fudud ku seegay kulankii Everton.
Ferran Torres ayaa sii wada inuu ka soo kabsado jabniinka cagtiisa, Cole Palmer ayaana hogaanka u dhiibay markii uu ka maqnaa Toffees, laakiin Gabriel Jesus ayaa ku soo laabanaya shaxdaan.
Ruben Dias iyo Riyad Mahrez ayaa sidoo kale ku soo bilaaban doona kulanka Les Parisiens, iyadoo Ilkay Gundogan uu sii wado inuu ka faa’ideysto maqnaanshiyaha De Bruyne ee dhexda.
PSG Waxaa faaruqay Qofka Cafimaadka usbuucyadii la soo dhaafay, waxaana jirta fursad uu ugu dambeyntii Sergio Ramos diyaar ugu noqon karo kulankiisii ugu horeeyay ee la wada sugayay.
Marquinhos iyo Presnel Kimpembe ayaa ah dookhyada ugu badan ee ay ku soo laaban karaan daafaca dambeedka ,laakin goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa wali shaki laga muujinayaa xanuunka caloosha.
Julian Draxler iyo Rafinha ayaa sidoo kale loo badinayaa inay lumin doonaan, inkastoo midkoodna uusan ku jirin fursad uu ku soo bilowdo, iyadoo Messi, Mbappe iyo Neymar ay mar kale sameeyeen seddex weerar oo aan la celin karin.
Shaxda Macquulka ee Kulankan
Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Laporte, Cancelo; Silva, Rodri, Gundogan; Mahrez, Jesus, Foden
Paris Saint-Germain: Navas; Hakimi, Marquinhos, Kimpembe, Mendes; Verratti, Gueye, Wijnaldum; Messi, Mbappe, Neymar
Xaqiiqooyinka Labada Koox
Manchester City Vs Paris Saint-Germain
Tartanka Champions league-ga
Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)
Garoonka Etihad Stadium.
Kulamada kale ee la Ciyaarayo Champions League-ga Waqtiga Somaliya
20.45pm Besiktas vs. Ajax
20.45pm Inter Milan vs. Shakhtar
23:00 pm Atletico vs. AC Milan
23:00 pm Brugge vs. RB Leipzig
23:00 pm Liverpool vs. Porto
23:00 pm Man City vs. PSG
23:00 pm Sheriff Tiraspol vs. Real Madrid
23:00 pm Sporting Lisbon vs. Dortmund
Be the first to comment