Hordhaca: Sheriff Vs Real Madrid ee Champions league-ga Guruub D, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Kaddib markii ay bishii September ka yaabsatay qofkasta oo daawanayay kulankii ka dhacay Estadio Santiago Bernabeu, Sheriff Tiraspol ayaa rajaynaysa inay markale madax-xanuun ku rido Real Madrid oo ay kor u qaado fursada ay ugu gudbayso wareega 16-ka ee Champions League.

Sheriff ayaa xilli ciyaareedkan 14 kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay soo guuleysatay 12 kamid ah halka Madrid 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti noqotay kaliya hal mar laga soo adkaaday.

Wararka Labada Koox
Saddexleyda Real Madrid ee kala ah Gareth Bale, Federico Valverde iyo Dani Ceballos ayaa dhammaantood seegaya kulankan halka Eden Hazard oo xanuun caloosha ah qaba aan la hubin fursadiisa.

Carlo Ancelotti ayaan la filayn inuu isbedelo badan ku samayn doono shaxdiisa walow Eder Militao uu booska daafaca dhexe kala bixi karo Nacho.

Rodrygo ayaa ah ciyaaryahan kale oo kulankan kusoo bilaaban kara kaddib markii uu Marco Asensio kasoo hormaray kulankii Axadii ee Granada.

Dhinaca Sheriff waxa wali maqnaan doona Lovro Bizjak oo dhaawac cagta ah qaba halka uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Momo Yansane.

Shaxda Macquulka Ee Labada Koox

Sheriff Tiraspol: Athanasiadis; Fernando, Arboleda, Dulanto, Cristiano; Addo, Thill; Traore, Kolovos, Bruno; Yakhshiboev

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius Jr.

Sheriff vs Real Madrid

Tartanka Champions league-ga

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Sheriff Stadium.

 

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*