
Arsenal ayaa isha ku haysa guul ay ka gaadho Everton oo soo booqanaysa isla markaana isha ku hayn doonta kulanka dhex maraya kooxaha Tottenham iyo Norwich City.
Bilawgii xilli ciyaareedka qofna ma rajaynayn in Arsenal booska afraad u tartami karto, dhawaan ayay u muuqdeen kuwa booskaas hantiyay balse haatan ayay booska shanaad joogaan iyaga oo duco miciinsan doona si ay markale ugu laabtaan kaalintaas Champions League looga qayb galo.
Wararka Labada Koox
Arsenal ayaan qabin dhibaatooyin badan balse waxa kulankan ka maqnaan kara daafaca midig ee Takehiro Tomiyasu oo dhaawac uga baxay kulankii Newcastle ee u dambeeyay.
Mohamed Elneny iyo Granit Xhaka ayaa la filayaa inay khadka dhexe kasoo muuqdaan markale walow uu tababarka Gunners kusoo laabtay Thomas Partey.
Gabriel Martinelli ayaa booska garabka bidix ka riixan kara Emile Smith Rowe kaddib markii uu da’yarka ree England qaab ciyaareed liita kusoo bandhigay kulankii Newcastle.
Dhinaca Everton, Frank Lampard ayaa xiddigaha kooxdiisa ee daalan nasiimo siin kara kaddib markii ay dhawaan xaqiiqsadeen inay sii joogayaan Premier League oo inay ka dhaadhacaan halis u galeen.
Shaxaha Macquulka Ah
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Cedric, Holding, Gabriel, Tavares; Elneny, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Everton (3-4-3): Pickford; Holgate, Keane, Godfrey; Iwobi, Doucoure, Alli, Mykolenko; Gray, Calvert-Lewin, Richarlison
Maclumaadka Ciyaarta
Tartanka: Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Saacada: 18:00 Pm Waqtiga Somalia
Garsoore: Andre Marriner
Be the first to comment