
Kooxda Arsenal ayaa maanta qaabilaysa dhigeeda Leeds United kulan muhiim ah oo labada kooxoodba saamayn weyn ku yeelanaya xilli ciyaareedkooga.
Arsenal ayaa doonaysa guul ay afar dhibcood kaga sarre marto Tottenham oo xalay Liverpool bar-bardhac kula soo gashay Anfield halka ay Leeds u dhaarsan tahay saddex dhibcood oo ay shan dhibcood kaga durugto kaalmaha horyaalka loogaga hadho isla markaana ay booska 16-aad kala baxdo Burnley.
Wararka Labada Koox
Mikel Arteta ayaan wax dhaawacyo cusub ah kasoo sheegin kooxdiisa Arsenal isaga oo war wanaagsan kasoo tabiyay daafaca dhexe ee Ben White oo uu sheegay inay filayaan inuu tababarka qaato.
Ben White ayay macquul tahay inuu keydka soo fadhiisto oo uu ugu badnaan bedel ku yimaado kaddib qaab ciyaareedkii heerka sarre ahaa ee uu Rob Holding soo bandhigay kulankii hore ee West Ham.
Tavares ayaa markale daafaca bidix kusoo bilaabanaya iyadoo la filayo in Nketiah iyo Martinelli ay kasoo hormaraan Lacazette iyo Smith Rowe.
Dhinaca Leeds waxa uu dhaawac haleelay Stuart Dallas oo la filayo inuu mudo garoomada ka maqnaado halka uu tababarka fudud kusoo noqday weeraryahan Patrick Bamford.
Shaxaha Macquulka Ah
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Tomiyasu, Holding, Gabriel, Tavares; Elneny, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Leeds (4-2-3-1): Meslier; Ayling, Llorente, Struijk, Firpo; Klich, Phillips; Raphinha, Rodrigo, Harrison; James.
Macluumaadka Kulanka
Tartanka: Premier League
Saacada 16:00 pm Waqtiga Somalia
Garoonka: Emirates Stadium
Garsoore: Chris Kavanagh
Be the first to comment