
Liverpool oo ay ka go’antahay inay soo hesho guul ay ugu soo laabato wadada guulaha ayaa booqanaysa caawa gegida Villa Park oo ay ugu tagayso dhigeeda Aston Villa.
Villa oo la xasuusto inay xilli ciyaareedkii hore kulankan oo kale natiijo 7-2 ah ku bahdishay Reds ayuu markan hormood u yahay kabtankii mudada dheer ee kooxdaas ee Steven Gerrard.
Guuldarro amaba bar-bardhac ay dhibco kale ku lumiso ayaa sii xuman doona hammiga horyaalka Premier League ee Liverpool oo haatan saddex dhibcood ka dambaysa Manchester City oo hoggaanka haysa.
Wararka Labada Koox
Steven Gerrard ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub ku qabin Villa balse waxa wali maqnaan doona Kortney House oo xanuun dhinaca caloosha ah la tacaalaya, Jacob Ramsey iyo Leon Bailey oo dhaawacan.
Kulankan ayaa noqonaya midkii koowaad ee uu Philippe Coutinho kaga hortago kooxdiisii Liverpool tan iyo markii uu kusoo laabtay Premier League suuqii January.
Dhinaca Liverpool weeraryahan Roberto Firmino ayaa tijaabo xilli dambe ah mari doona si loo eego fursadiisa kulanka balse kuma soo bilaaban doono.
Klopp oo isha ku haya Final-ka FA Cup ee toddobaadka dambe ayaa isbedelo samayn kara, waxa jirta suurogalnimo uu Sadio Mane keydka ugu soo bilaaban karo iyadoo Diogo Jota kasoo hormarayo.
Kostas Tsimikas iyo Joe Gomez ayaa garbaha daafaca kusoo bilaaban kara iyadoo ay nasiimo qaadanayaan Alexander Arnold iyo Andrew Robertson halka ay u badantahay in Joel Matip uu kasoo hormari doono Ibrahima Konate.
Shaxaha Macquulka Ah
Aston Villa (4-3-1-2): Martinez; Cash, Konsa, Mings, Digne; McGinn, Chambers, Luiz; Coutinho; Ings, Watkins
Liverpool (4-3-3): Alisson; Gomez, Matip, van Dijk, Tsimikas; Keita, Fabinho, Thiago; Salah, Jota, Diaz
Macluumaadka Ciyaarta
Tartanka: Premier League
Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somalia
Garoonka: Villa Park
Garsoore: Jonathan Moss
Be the first to comment