Horudhac: Aston Villa Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Manchester United ayaa raadin doonta inay kusoo laabato jidka guusha horyaalka Premier League marka ay fiidka hore ee caawa garoonka Villa Park ugu tagaan Aston Villa.

Isniintii toddobaadkii hore ayay Manchester United 1-0 kusoo garaacday Aston Villa kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup, waxaana caawiyey Scott McTominay oo u dhaliyey goolka madiga ah ee wareegga afraad usoo saaray.

Wararka Labada Koox

Aston Villa waxa mar kale ka maqnaan doona Leon Bailey iyo Marvelous Nakamba oo dhaawac ah, halka xiddiga muhiimka ah ee John McGinn uu isaguna ganaaxan yahay.

Betrand Traoare iyo Trezeguet ayaa  kaga maqan tartanka qaramada Afrika, sidoo kalena Ashley Young ayaa uu shaki ku jiraa inuu kooxdiisa hore waajihi doono.

Warka fiican ee ay taageereyaashuna sugayaan ayaa waxa uu yahay in Philippe Coutinho uu ciyaarta caawa diyaar u yahay, sidaas oo kalena waxa ah Lucas Digne. Steven Gerrard ayaa xaqiijiyey in labadan ciyaartoy ay diyaar u yihiin kulanka oo ay kusoo bilaaban karayaan.

Haddii uu Coutinho kusoo bilowdo, waxa suurtogal ah inuu kaydka u dhaco Danny Ings, halka maqnaanshaha McGinn ay albaabada u furayso khadka dhexe ee reer France ee Morgan Sanson oo ka garab ciyaari doona Douglas Luiz iyo Jacob Ramsey.

Manchester United waxa dib ugu soo laaban doona Cristiano Ronaldo oo ka maqnaa ciyaartii FA Cup iyo xiddigaha kale ee dhaawaca kasoo kabanaya ee Harry Maguire, Jadon Sancho, Diogo Dalot iyo Phil Jones.

Paul Pogba ayaa wali aan diyaar ahayn, sidoo kalena Luke Shaw iyo McTominay ayaa ganaax ku seegaya ciyaartan, halka Eric Bailly uu xulkiisa Ivory Coast kala qayb-gelayo koobka qaramada Afrika.

Nemanja Matic ayay u badan tahay inuu khadka dhexe kusoo bilowdo oo uu galo booska McTominay, halka Ronaldo uu isaguna afka hore ku saddexaynayo Edinson Cavani iyo Marcus Rashford.

Shaxda macquulka ah ee labada koox

Aston Villa: Martinez; Cash, Konsa, Mings, Digne; Ramsey, Luiz, Sanson; Buendia, Watkins, Coutinho

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Varane, Maguire, Telles; Fred, Matic; Greenwood, Fernandes; Ronaldo, Cavani.

Aston Villa Vs Manchester United

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (20:30 pm Somalia) (18:30 pm Yurub)

Garoonka  Villa Park Stadium

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*