
Barcelona ayaa caawa Camp Nou kusoo dhawaynaysa kooxda kaalmaha horyaalka La Liga lagaga dhaadhaco ka ordaysa ee Cadiz xilli ay iyagu isha ku hayaan inay xoojistaan booska labaad ee horyaalkaas.
Barcelona ayay ka maqnaan doonaan Sergi Roberto, Ansu Fati, Samuel Umtiti iyo Gerard Pique oo dhaawacyo qaba halka uu kulankan ganaax ku seegayo Gerard Pique.
Clement Lenglet ayaa la filayaa inuu booska daafaca dhexe ee Araujo ka maqan yahay sii buuxiyo isaga oo ka garab ciyaaraya Eric Garcia.
Dhinaca kooxda Cadiz waxa ay dhaawacyo ku waayaysaa xiddigaheeda kala ah Florin Andone iyo Varazdat halka uu ka ganaaxnaan doono Ruben Alcaraz.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Alves, Garcia, Lenglet, Alba; de Jong, Busquets, Gavi; Dembele, Aubameyang, Torres
Cadiz (4-4-2): Ledesma; Akapo, Chust, Hernandez, Espino; Alejo, Mari, Fede, Idrissi; Negredo, Perez.
Barcelona Vs Cadiz
Tartanka La -Liga
Saacada 22:00 pm Waqtiga Somalia
Garoonka Camp Nou
Be the first to comment