Barcelona ayaa ku fikiraysa inay hal talaabo usii qaado wareega siddeed dhammaadka UEFA Europa League marka ay caawa soo dhawaynayso dhigeeda Galatasaraay kulan ah wareega 16-ka ee loolankaas.
Barca oo markii ugu horreysay 18 sano kaddib ciyaaraysa tartanka heerka labaad ee Yurub ayaa wareegii hore ee 32-ka tartanka kasoo cidhib tirtay Napoli oo ay isku geyn 5-3 kaga soo guuleysteen.
Wararka Labada Koox
Barcelona ayaan qabin wax dhaawacyo ah oo cusub, Xavi ayaa sii qishay inuu xiddigo muhiim ah nasin karo kulankan balse waxa wali dhaawacyo kusii maqnaan doona Samuel Umtiti, Ansu Fati, Sergi Roberto iyo Alejandro Balde.
Gerard Pique, Sergio Busquets iyo Gavi ayaa kamida xiddigaha la nasin karo iyadoo ay kusoo bilaabanayaan Eric Garcia, Nico iyo Adama Traore.
Galatasaraay ayaa saf buuxa oo dhammaystiran la tagaysa Camp Nou caawa iyadoo tababare Domenec Torrent uusan la tacaali doonin wax dhaawacyo amaba ganaaxyo ah oo cusub.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Dest, Araujo, Garcia, Alba; Nico, de Jong, Pedri; Adama, Aubameyang, Torres
Galatasaraay (4-2-3-1): Pena; Elabdellaoui, Nelsson, Marcao, van Aanholt; Pulgar, Kutlu; Kilinc, Cicaldau, Akturkoglu; Gomis.
Barcelona Vs Galatasaraay
Tartanka UEFA Europe league-ga
Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)
Garoonka Camp Nou Stadium.