Barcelona ayaa isha ku haysa guul ay gaarto marka ay Napoli ku soo dhaweeyaan Camp Nou lugta hore ee isreebreebka wareega 16ka ee Europa League .
Kooxda reer Catalan ayaa soo gashay tartankaan ka dib markii ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee group-keeda Champions League, halka Napoli ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee kala sareynta Europa League iyadoo ka dambeysa Spartak Moscow.
Wararka Labada Koox
Barcelona ayaa waayi doonta adeega Samuel Umtiti , Ansu Fati , Sergi Roberto iyo Alejandro Balde , halka Clement Lenglet iyo Memphis Depay uu wali shaki ku jiro taam ahaanshahooda.
Ronald Araujo ayaa sidoo kale ku maqan dhibaato uu ka soo gaaray kulankii Espanyol ee Isbuucaan, sidaas darteed Eric Garcia ayaa laga yaabaa inuu soo galo afarta dambe, halka Sergino Dest uu ka ciyaari doono daafaca midig, maadaama Dani Alves aan lagu soo darin shaxda kooxda. Marxaladihii dambe ee tartanka Europa League.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa riixaya inuu si buuxda u safto kooxda Catalan, waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo weerarka dhexe isagoo taageero ka helaya Adama Traore iyo Gavi .
Ousmane Dembele ayaa sidoo kale riixaya inuu ku lug yeesho bilowgii, iyadoo maamulaha Xavi uu sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu noqon doono ciyaaryahan muhiim ah bilaha ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.
Dhanka Napoli, Matteo Politano iyo Hirving Lozano ayaa labaduba dhaawac ah, halka daafaca amaahda uga maqan Manchester United Axel Tuanzebe aan lagu darin kooxda Europa League.
Andre-Frank Zambo Anguissa ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo line-upka 11-aad, isagoo ka soo kacay kursiga keydka kulankii Inter ee Isbuucaan, halka Eljif Elmas uu bedelayo Politano ka dib dhaawacii kulankii ugu dambeeyay.
Macalin Spalletti uma badna in uu soo bandhigo wax lala yaabo marka ay timaado xulashada kooxdiisa, Lorenzo Insigne ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo dhanka bidix iyo Victor Osimhen oo ka ciyaara weerarka dhexe.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Barcelona: Ter Stegen: Dest, Pique, Garcia, Alba; F de Jong, Busquets, Pedri; Traore, Aubameyang, Gavi
Naples: Ospina; Di Lorenzo, Rrahmani, Koulibaly, Mario Rui; Anguissa, Ruiz; Elmas, Zielinski, Insigne; Osimhen
Barcelona Vs Napoli
Tartanka Europe league-ga
Saacada (20:45 pm Somalia) (18:45 pm Yurub)
Garoonka Camp Nou Stadium.