
Barcelona ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Rayo Vallecano kulankeedii 33-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan. Barca ayaa isha ku haysata inay sii dheeraysato booska labaad ee La Liga sidoo kalena ay ku dhawaadaan kooxda hoggaanka haysa ee Real Madrid oo aan iyadu Usbuucan ciyaarayn.
Barcelona ayaa kulankan galaysa iyadoo kaliya laba guulood ka haysata shantii ciyaarood ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan walow ay dhawaan wadada guulaha kusoo laabteen kaddib guushii ay kasoo gaadheen Real Sociedad.
Wararka labada Koox
Jordi Alba iyo Gavi oo jugo kala duwani ku gaadheen kulankii Sociedad ayaa diyaar u noqon kara ciyaartan balse waxa wali Blaugrana dhaawacyo kaga maqnaan doona Sergi Roberto, Samuel Umtiti iyo Pedri.
Adama Traore ayay macquul tahay inuu kusoo bilawdo kulankan haddiiba uu Xavi doorbido inuu nasiimo siiyo Ousmane Dembele. Sidoo kale Gerard Pique iyo Dani Alves ayaa iyaguna kamida xiddigaha nasiimada qaadan kara.
Dhinaca Vallecano tababare Andoni Iraola ayaa dib u helaya Ivan Balliu oo ku maqnaa ganaax kulankii ugu dambeeyay ee Espanyol balse waxa wali dhaawac kaga sii maqnaan doona Martin Merquelanz iyo Esteban Saveljich.
Shaxaha Labada Koox
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Dest, Lenglet, Garcia, Alba; Frenkie de Jong, Busquets, Gavi; Traore, Aubameyang, Torres
Rayo Vallecano (4-2-3-1): Dimitrievski; Balliu, Maras, Catena, Fran Garcia; Valentin, Comesana; Palazon, Trejo, Alvaro Garcia; Guardiola.
Barcelona Vs Rayo Vallecano
Tartanka La Liga
Saacada 22:00 pm Waqtiga Somalia
Garoonka Camp Nou
Be the first to comment