
Barcelona ayaa isha ku hayn doonta inay halkeeda kasii wadi doonto guulahii ay kusoo xidhatay kulamadii ka horreeyay fasaxii caalamiga ahaa marka ay soo dhawaynayaan dhigooda Sevilla.
Guul ay Barcelona gaadho ayay booska labaad kala bixi doontaa Sevilla oo haatan halkaas joogta iyaga oo markii ugu horreysay kaddib mudo dheer kaalintaas soo fadhiisanaya.
Labada kooxood ayaa kulankii wareegii hore kusoo kala baxay 1-1 iyadoo Barca ay ka faa’idaysan wayday kaadh casaan ah oo loo taagay daafaca Sevilla ee Jules Kounde.
Wararka Labada Koox
Dhaawaca ku cusub safka Barcelona ayaa ah daafaca midig ee Sergino Dest oo wax kusoo noqday kulamadii dalkiisa Maraykanka, waxa uu liiska dhaawacyada kula biirayaa Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Ansu Fati iyo Luuk De Jong oo isaga laga helay caabuqa Korona.
Xavi ayaa nasin kara Frankie De Jong iyo Ferran Torres oo wakhti badan usoo ciyaaray dalalkooda si ay uga qayb qaataan kulanka Europa League ee Khamiista isaga oo bedelkooda ku ciyaari kara Adama Traore iyo Nico.
Dhinaca kale dhaawacyada xiddigaha Sevilla ayaa sii kordhay, Thomas Delaney ayaa jug kala soo laabtay dalkiisa Denmark si lamid ah Fernando.
Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha kulankan ee goolhaye Bono halka ay sidoo kale maqnaan karaan Marcos Acuna, Alejandro Gomez iyo Suso.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Alves, Pique, Garcia, Alba; Nico, Busquets, Pedri; Adama, Aubameyang, Dembele
Sevilla (4-3-3): Dmitrovic; Navas, Kounde, Carlos, Augustinsson; Rakitic, Gudelj, Jordan; Ocampos, En-Nesyri, Corona.
Barcelona Vs Sevilla
Tartanka La Liga Spain
Saacada 22:00 pm Waqtiga Somalia
Garoonka Camp Nou
Be the first to comment