Horudhac: Bayern Munich Vs Barcelona ee Champions league-ga Guruub F, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Xilli aysan wali xaqiiqsan booskooda wareega 16-ka ee UEFA Champions League ayay kooxda Barcelona tagaysaa gegida Allianz Arena ciyaarta ugu dambaysa ee wareega Group-yada Champions League iyaga oo halkaas kula ciyaaraya dhigooda Bayern Munich.

Kooxda tababare Julian Nagelsmann ayaa horeba u xaqiiqsatay inay si raaxo leh ugu dhammaysanayso kaalinta koowaad ee Group-ka halka ay Barcelona dagaalka booska labaad kula jirto SL Benfica.

Wararka Labada Koox

Safka Bayern ayaa ah mid uu kala dhantaalay caabuqa Korona Fayras toddobaadyadii ugu dambeeyay Joshua Kimmich iyo Eric Chuopo-Moting ayaa kamida xiddigaha halista ugu jira inay seegaan kulankaas.

Bounna Sarr, Marcel Sabitzer iyo Stanisic ayaa dhammaantood dhaawacyo kaga maqan Bayern halka uu fursad wali haysto Lucas Hernandez oo dhaawacii muruqa ahaa ee ku gaadhay kulankii Borussia Dortmund uusan aad u halis badnayn.

Dhinaca Barcelona waxa ka maqan da’yarka garabka weerar ee Ansu Fati oo kulankan soo gaadhi waayay halka ay horeba u maqnaayeen Sergio Aguero, Sergi Roberto, Martin Braithwaite iyo Pedri.

Gavi oo dhakhtarka loola cararay kulankii toddobaadkan ee Real Betis kaddib jug madaxa ka gaadhay ayaa la filayaa inuu kulanka kasoo muuqdo isaga oo si caadi ah tababarkii u qaatay.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Koox

Bayern Munich: Neuer; Pavard, Sule, Nianzou, Richards; Roca, Tolisso; Sane, Muller, Musiala; Lewandowski

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Araujo, Pique, Alba; Gonzalez, Busquets, De Jong; Dembele, Depay, Coutinho

Bayern Munich Vs Barcelona

Tartanka Champions league-ga

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Allianz Arena Stadium.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*