Saddex maalmood ka dib markii ay ku guuldareysteen isku daygii ahaa in dib loo dhigo kulankooda Premier League ee Wolverhampton Wanderers, Chelsea ayaa qarka u saaran inay mar kale dib ugu soo laabato garoomada maanta kulan ka tirsan rubuc dhamaadka EFL Cup oo ay la ciyaarayaan Brentford .
Blues waxa ay la ildaran yihiin xanuunka dilaaga ah ee coronavirus ee ka dhex dilaacay kooxdooda, taas oo siinaysa Brentford rajo dheeraad ah oo ah in ay guul ka gaaraan kulanka West London Derby .
Wararka Labada Koox
Chelsea waxa karantiil kaga jira toddoba ciyaartoy oo ay ka mid yihiin Romelu Lukaku, Timo Werner, Callum Hudson-Odoi, Ben Chilwell iyo Lewis Baker. Waxa kale oo u raaca Trevoh Chalobah iyo Hakim Ziyech oo iyaguna dhaawacyo ah.
Thomas Tuchel ma rajaynayo in midkoodna usoo laabto xiddigaha sare ku xusan, hase yeeshee waxa uu xaqiijiyey in N’Golo Kante aanu qayb ka noqon doonin ciyaartan oo aanu khatar gelin doonin.
Kai Havertz oo kulankii Wolves ku seegay xanuun ayaa laga waayay Fayraska Korona, waxaana la filayaa inuu kusoo laabto kooxda kulanka caawa, halka Roben Loftus-Cheek isagana la qiimayn doono sida xaalkiisu yahay, laakiin Jorginho ayaa kusoo laabtay tababarka oo Isniintii iyo Salaasadiiba is diyaarinayay.
Andreas Christensen ayaa sidoo kale ay jug soo gaadhay, waxaanay taasi albaabada u furaysaa Malang Sarr oo kula soo bilaaban doona Kepa Arrizabalaga, Saul Niguez, Ross Barkley iyo Mateo Kovacic.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Brentford: Fernandez; Goode, Jansson, Thompson; Roerslev, Ghoddos, Bidstrup, Jensen, Fosu-Henry; Toney, Forss
Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Sarr; James, Saul, Kovacic, Alonso; Mount, Barkley; Havertz
Brentford Vs Chelsea
Tartanka EFL Cup
Saacada Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)
Garoonka Brentford Community Stadium