Horudhac: Brighton Vs Chelsea ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Chelsea ayaa isha ku heysa inay ku soo laabato wadada guusha ee Premier League marka ay caawa fiidkii ku aado Amex halkaasoo ay kula ciyaari doonaan Brighton & Hove Albion .

Blues ayaa tartanka soo gali doonta kadib guuldaradii 1-0 ahayd ee ka soo gaartay hogaamiyayaasha horyaalka ee Manchester City sabtidii, halka Brighton ay barbaro 1-1 ah la gashay kooxda ay xafiiltamaan M23 ee Crystal Palace jimcihii.

Wararka Labada Koox

Brighton ayaa markale waayi doonta Lewis Dunk dhibaato jilibka ah darteed, iyadoo Potter uu shaaca ka qaaday isniintii in daafaca dhexe uusan wali diyaar u ahayn doorashada.

Seagulls ayaa sidoo kale ka wal-walsan taam ahaanshaha Adam Lallana , kaasoo jug kasoo gaaray kulankii Palace, halka Jeremy Sarmiento iyo Enock Mwepu ay labaduba dhaawac ku maqan yihiin.

Kooxda martida loo yahay ayaa sidoo kale waayi doonta Yves Bissouma sababtoo ah ka qayb galka koobka qaramada Afrika, sidaas darteed Jakub Moder ayaa markale kasoo muuqan kara khadka dhexe, iyadoo Neal Maupay iyo Leandro Trossard ay kusoo wada bilaaban doonaan weerarka.

Tariq Lamptey ayaa kursiga keydka loo magacaabay kulankii Palace laakiin hadda waxa laga yaabaa inuu boos ka helo kooxda, halka Danny Welbeck iyo Solly March ay sidoo kale riixayaan boosaska XI.

Dhanka Chelsea, Reece James , Ben Chilwell iyo Trevor Chalobah ayaa weli diyaar u ah kulanka dhaawac, halka Andreas Christensen uu maqan yahay ka dib markii laga helay cudurka ‘coronavirus’.

Edouard Mendy , oo sidoo kale dhawaan laga helay COVID-19, ayaa ku maqan Koobka Qaramada Afrika, dhanka kale, sidaas darteed Kepa Arrizabalaga ayaa mar kale kasoo muuqan doona goosha.

Tababare Tuchel ayaa isbadal ku samayn doona shaxdii ku soo bilawday Man City, iyadoo Mason Mount iyo Timo Werner ay suurtogal tahay inay ku biiraan Romelu Lukaku seddexda ugu horeysa ee garoonka.

Kai Havertz iyo Jorginho ayaa sidoo kale riixaya boosaska kooxda, laakiin Tuchel waxay u badan tahay inuu iska caabiyo tijaabinta inuu wax ka beddelo Jumlo, iyadoo Malang Sarr laga yaabo inuu booskiisa sii haysto.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Brighton & Hove Albion: Sanchez; Lamptey, Webster, Burn, Cucurella; Gross, Lallana, Moder, Mac Allister; Trossard, Maupay

Chelsea: Kepa; Rudiger, T Silva, Sarr; Azpilicueta, Kovacic, Kante, Alonso; Mount, Lukaku, Werner.

Brighton Vs Chelsea

Tartanka Premier league

Saacada Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka The American Express Community Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*