Horudhac: Brighton Vs Manchester United ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Kooxda iyo Shaxda Macquulka

Manchester United ayaa booqanaysa dhigeeda Brighton kulan kale oo ay isku dayi doonaan inay saddexda dhibcood soo helaan si ay ugu yaraan booska lixaad usii xejistaan maadaama kaalinta afraad haatan u muuqato mid ay adagtahay inay hiigsadaan.

Red Devils ayaa ka cararaya ceebta ah inay dhibcahoodii ugu horreeyay mudada Premier League la ciyaarayay ay ka hoos maraan, haddii ay guuleystaan labada kulan ee u hadhay ayay barbarayn doonaan rekoodhkoodii ugu hooseeyay ee ahaa 64 dhibcood hal xilli ciyaareed.

Wararka Labada Koox

Tababare Graham Potter ayaa qaba dhaawac cusub oo kooxdiisa ah kaddib markii uu Enock Mwepu gaadhay dhaawac gumaarka ah oo la filayo inuu kulamada ka hadhay xilli ciyaareedka seejiyo waxaana uu liiska dhaawacyada kula biirayaa Jeremy Sarmiento iyo Jakub Moder.

Dhinaca Man United macalin Ralf Rangnick ayaa dib u helaya daafaca dhexe ee Harry Maguire oo kusoo laabtay tababarka iyo Aaron Wan-Bissaka oo jug gaadhay kasoo kabtay walow aysan u badnayn in midkoodna kusoo bilaaban doono shaxda asaasiga ah.

Waxa liiska dhaawacyada ku biiray Marcus Rashford oo xanuun ka cabanaya iyo Eric Bailly oo isaguna xanuun ka dareemaya dhabarka iyaga oo ciyaartoyda maqnaanaya kula biiraya Luke Shaw, Paul Pogba iyo Jadon Sancho

Juan Mata oo kulankii hore ee Brentford kusoo bilawday si fiicana u ciyaaray ayaa la filayaa inuu markale kusoo bilaaban doono halka Fred uu soo geli karo booskii Matic.

Shaxaha Macquulka ah

Brighton (3-5-1-1): Sanchez; Veltman, Dunk, Cucurella; Lamptey, Gross, Bissouma, Caicedo, Trossard; Mac Allister; Welbeck

Man United (4-2-3-1): de Gea; Dalot, Varane, Lindelof, Telles; McTominay, Fred; Mata, Fernandes, Elanga; Ronaldo.

Macluumaadka Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Saacada 19:30 Pm Waqtiga Somalia

Garoonka: Amex Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*