Horudhac: Chelsea Vs Al Hilal ee Koobka Kooxaha Aduunka, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Chelsea ayaa isha ku haysa inay xaqiiqasato booskeeda Final-ka tartanka koobka kooxaha aduunka marka ay caawa kooxda Al Hilal ee dalka Saudi Arabia la ciyaaraan kulan ah wareega afar dhammaadka ee loolankaas.

Kooxda kusoo guuleysatay Champions League ayaa tartankan kaga soo biiraysa wareega afar dhammaadka balse Al Hilal ayaa wareegii hore ee ay iyadu soo ciyaartay 6-1 uga soo adkaatay Al Jazira.

Wararka Labada Koox

Al-Hilal ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub qabin sidaas darteed wax layaab leh ma noqon doonto haddiiba tababare Leonardo Jardim uu kusoo galo isla shaxdii uu kaga soo adkaaday Al Jazira.

Odion Ighalo iyo Matheus Pereira oo hore iyagoo Man United iyo West Bromwich kala matalaya uga hortagay Chelsea ayaa isku diyaarinaya inay halkooda kasii wadaan bandhigii goolasha lahaa ee ay kulankii hore soo sameeyeen.

Chelsea ayaa liiska xiddigaha kooxdeeda ee tartankan ku dartay daafaca midig ee Reece James balse lama filayo inuu ka qayb qaato kulankan iyo Final-ka haddii ay gaadhaanba.

Goolhaye Edouard Mendy ayaa la filayaa inuu xilli dambe kusoo biiro safka kooxda kaddib markii uu Senegal lasoo qaaday tartankii qaramada Africa, Mason Mount oo dhaawac ku gaadhay qudhiisa kulankii Plymouth ee Sabtidii ayaa isaguna kusoo baxay liiska xiddigaha uu Tuchel watay.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Al-Hilal: Al Maiouf; Abdul Hamid, Hyun-Soo, Ali Bulaihi, Al Shahrani; Kanno, Cuellar; Marega, Pereira, Al Dawsari; Ighalo.

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, T Silva, Rudiger, Alonso; Kovacic, Kante, Jorginho; Werner, Lukaku, Ziyech

Chelsea v Al Hilal

Tartanka Koobka Kooxaha Aduunka

Saacada (19:30 pm Somalia) (17:30 pm Yurub)

Garoonka Mohamed Bin Zayid Stadium

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*