Horudhac: Chelsea Vs Liverpool ee Finalka FA-Cupka, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Photo/ES

Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa caawa ku ballansan gegida Wembley Stadium oo ay ku kala qaadi doonaan tartanka FA Cup oo ay ciyaartiisa kama dambaysta ah iskugu soo baxeen.

Waxa xusid mudan in kulan xiiso badan oo isla gegidaas labada kooxood ku dhex maray bilo kahor ay ku wada ciyaareen Final-ka Carabao Cup iyadoo Liverpool ay rigoorayaal ku qaaday.

Wararka Labada Koox

Chelsea ayaa war aad u wanaagsan heshay waxaana fursad ay kulanka ugaga qayb qaataan haysta Mateo Kovacic oo kulankii ugu dambeeyay ee Leeds ku dhaawacmay iyo N’Golo Kante oo horeba dhaawac ugu maqnaa.

Blues ayay markale ka maqnaan doonaan Ben Chilwell iyo Hudson-Odoi. Tababare Thomas Tuchel ayaa xiddigo uu keydka ku nasiyay kulankaas u dambeeyay dib ugu soo bilaabi doona shaxdiisa.

Romelu Lukaku oo labadii kulan ee ugu dambeeyay saddex gool soo dhaliyay ayay macquul tahay inuu kasoo hormaro Kai Havertz.

Dhinaca Liverpool waxa ka maqnaan doona khadka dhexe ee Fabinho taas oo keenaysa inuu doorkiisii ka ciyaaro kabtan Jordan Henderson oo caawimo ka helaya Thiago Alcantara iyo Keita.

Joel Matip ayaa lagu wadaa inuu doorka daafaca dhexe kaga soo horreyn doono Ibrahima Konate halka ay u badantahay in Luiz Diaz gacanta sarre ka heli doono Diogo Jota.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Loftus-Cheek, Jorginho, Alonso; Mount, Pulisic; Lukaku

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Keita, Henderson, Thiago; Salah, Mane, Diaz.

Macluumaadka Kulanka

Tartanka: FA Cup Final

Garoonka: Wembley Stadium

Wakhtiga: 18:45 Pm Waqtiga Somalia

Garsoore: Craig Pawson

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*