
Chelsea ayaa isha ku haysa inay kusoo laabato wadada guulaha kaddib guuldarro lama filaan ah oo Everton iyo Frank Lampard kasoo gaadhay Usbuucii hore iyaga oo markan Stamford Bridge ku qaabilaya Wolves.
Blues ayaa isha ku haya guul ay si adag ugu sii xejistaan booskooda saddexaad maadaama oo ay aad ugu soo dhawaatay kooxda Arsenal iyo waliba Tottenham oo aan qudheedu waxba badan ka dambayn.
Wararka Labada Koox
Tababare Thomas Tuchel ayaa warar kala duwan la bixiyay xaalada xiddigaha kooxdiisa ee kulankan kahor, kabtan ku xigeen Jorginho ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawac uu ku maqnaan doono gaadhay.
Jorgi ayaa liiska dhaawacyada kula biiraya N’Golo Kante, Ben Chilwell iyo Hudson-Odoi balse waxa fursad haysta Andreas Christensen oo isagu kasoo kabtay xanuun.
Khadka dhexe ayaa la filayaa in Loftus-Cheek uu booskiisa sii haysan doono kaddib maqnaanshaha Kante iyo Jorginho isaga oo ka garab ciyaaraya Mateo Kovacic oo hadda soo laabtay.
Romelu Lukaku ayay u badantahay inuu markale keydka soo fadhiisto iyadoo ay kasoo hormarayaan Kai Havertz iyo Christian Pulisic.
Dhinaca Wolves waxa ka maqnaan doona kulankan daafaca midig ee Nelson Semedo oo dhaawacyada kooxdaas kula biiraya Daniel Podence iyo Max Kilman.
Wolves ayaa waayaya tababare Bruno Lage qudhiisa sababtoo ah in laga helay caabuqa Korona Fayras oo uu ku seegayo kulankan ay London u safrayaan.
Shaxaha Macquulka Ah
Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Azpilicueta, Silva, Rudiger; James, Loftus-Cheek, Kovacic, Alonso; Mount, Pulisic; Havertz
Wolves (3-4-3): Sa; Boly, Coady, Saiss; Jonny, Neves, Moutinho, Ait-Nouri; Neto, Jimenez, Hwang
Macluumaadka Ciyaarta
Tartanka: Premier League
Garoonka: Stamford Bridge
Saacada: 17:00 galabnimo Waqtiga Somalia
Garsoore: Peter Bankes
Be the first to comment