Horudhac: Crystal Palace Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Manchester United ayaa maanta marti ku ah magaalada London gaar ahaan gegida Selhurt Park oo ay ku booqanayso kooxda Crystal Palace, kulankaas ayaa xilli ciyaareedka United oo marka horeba madoobaa ka dhigi kara fadeexad dhammaystiran.

Manchester United ayaa haddii ay bar-bardhac amaba guuldarro lasoo kulanto oo ay West Ham ka guuleysato Brighton kasoo dhaadhici doonta booska lixaad ee Europa League loogu soo baxo una dhaadhici doonta booska toddobaad ee Confrence League lagaga qayb galo.

Wararka Labada Koox

Crystal ayuu ka maqnaan karaa daafaca dhexe ee Marc Guehi kaas oo dhaawac canqawga ahi ku gaadhay kulankii Everton oo Khamiistii, marka isaga laga yimaado Eagles ayay sidoo kale kasii maqnaan doonaan Michael Olise iyo Nathan Ferguson.

Dhinaca Man United waxa uu shaki ku jiraa diyaar ahaanshaha Jadon Sancho oo xanuunsanaya, Paul Pogba ayaa isaguna dhaawac kubka ah qaba halka Luke Shaw oo soo kabtay uu maqnaan karo markale maadaama oo ay xaaskiisu dhalayso.

Sidoo kale hoggaanka weerarka United ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaawac ku maqnaan doona halka da’yarka Alejandro Garnacho aan la filayn inuu qayb ka noqdo kulankan.

Goolhaye Dean Henderson ayaa kulankan kusoo bilaaban kara goolka, sidoo kale kabtan Maguire, Mata iyo Anthony Elanga ayaa dhammaantood fursad u haysta inay kulankan kusoo bilawdaan.

Shaxaha Macquulka Ah

Crystal Palace (4-3-3): Guaita; Clyne, Andersen, Tomkins, Mitchell; Gallagher, Kouyate, Eze; Ayew, Mateta, Zaha

Man United  (4-3-3): Henderson; Dalot, Maguire, Varane, Telles; Fernandes, Matic, Fred; Mata, Rashford, Elanga

Macluumaadka Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Garoonka: Selhurt Park

Saacada: 18:00 Pm Waqtiga Somalia

Garsoore: Martin Atkinson

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*