Horudhac: Everton Vs Chelsea ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Chelsea ayaa isha ku haysa inay xilli ciyaareedka 2022-23 maanta ku furato guul ay farriin ugu dirto kooxaha kale oo ay Goodison Park kaga soo gaadho Everton oo uu horkacayo halyeeygeeda Frank Lampard.

Lampard ayaa guuldarro kusoo gaadhsiiyay Thomas Tuchel iyo xiddigihiisa halkaas qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore markii ay u dagaalamayeen inay baaqi kusii ahaadaan horyaalka,

Wararka Labada Koox

Everton ayuu ka maqnaan doonaa weeraryahan Dominic Calvert-Lewin oo mudo bil ah seegaya garoomada kaddib dhaawac jilibka ah, sidoo kale kooxda martida loo yahay ayay ka maqan yihiin kabtan Seamus Coleman, Andros Towsend, Andre Gomes, Tom Davies iyo Salomon Rondon.

Saxeexyada cusub ee James Tarkowski, Ruben Vinager iyo Dwight McNeil ayaa dhaammaantood diyaar u ah xulashada Lampard ee kulankan.

Dhinaceeda Chelsea ayaa ka werwersan xaalada taam ahaansho ee weeraryahanada Timo Werner iyo Armando Broja balse ma qabto wax dhibaatooyin ah oo kale.

Kulankan ayaa degdeg ku noqonaya saxeexyada cusub ee Carney Chukwuemeka iyo Marc Cucurella oo isagu shalay uun dhammaystiray heshiiskiisa Blues, Raheem Sterling iyo Kalidou Koulibaly ayaa diyaar u ah inay kusoo bilawdaan.

Shaxda Labada Kooxood

Everton (3-4-3): Pickford; Godfrey, Tarkowski, Keane; Patterson, Doucoure, Iwobi, Mykolenko; Gordon, Gray, McNeil

Chelsea (3-4-2-1): Mendy; Azpilicueta, Silva, Koulibaly; James, Kante, Kovacic, Chilwell; Mount, Sterling; Havertz

Everton Vs Chelsea

Tartanka Premier league-ga

Saacada 19:30 Pm Xiliga Africa

Garoonka Goodison Park

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*