
Kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa caawa isku faro-saari doona gegida Stadio Olimpico kulan xiiso badan oo ah Final-ka tartanka Coppa Italia.
Labada kooxood ayaa xilli ciyaareedkan saddex jeer oo hore soo kulmay iyadoo ay laba mar guulo gaadhay Inter halka kulanka kale bar-bardhac kusoo dhammaaday.
Waxay horaantii xilli ciyaareedkan isku soo arkeen kulanka Italian Super Cup oo ay ku guuleysatay kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A kaddib gool uu Alexis Sanchez wakhtigii dhimashada dhaliyay.
Wararka Labada Koox
Juventus oo usoo baxday Champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa kulankan waxkasta oo ay haysato kusoo shirtagi karta xilli ay doonayso Coppa Italia markeedii 15-aad taariikhda.
Kooxda ka ciyaarta magaalada Turin ayaa ganaax ku waayaysa daafaca Mattia De Sciglio halka ay dhaawacyadii mudada dheer wali kusii maqnaanayaan Federico Chiesa iyo McKennie.
Juventus ayaa dib usoo dhawaynaysa xiddigaha dhaawaca uga soo laabtay ee Luca Pellegrini iyo Manuel Locatelli. Allegri ayaa la filayaa inuu shax ciyaareed 4-5-1 ah balse kulanka dhexdiisa isku bedeli kara 4-4-2 amaba 4-2-3-1 kusoo shirtago.
Dhinaceeda Inter Milan oo markii ugu dambaysay ee ay hanato Coppa Italia ay ahayd 11 sano kahor ayaa doonaysa hanashada markeedii siddeedaad.
Inter ayaa haysata saf ku dhawaad dhammaystiran oo taam ah, da’yarka daafaca dhexe ee Alessandro Bastoni ayaa ah midka kaliya ee shaki ku jiro fursadiisa.
Shaxaha Macquulka Ah
Juventus (4-5-1): Perin; Sandro, Chiellini, de Ligt, Danilo; Rabiot, Zakaria; Morata, Dybala, Cuadrado; Vlahovic.
Inter Milan (3-5-2): Handanovic; Bastoni, de Vrij, Skriniar; Perisic, Calhanoglu, Brozovic, Barella, Darmian; Martinez, Dzeko
Macluumaadka Kulanka
Tartanka: Coppa Italia
Garoonka; Stadio Olimpico
Saacada: 22:00 Pm Waqtiga Somalia
Garsoore: Paolo Valeri
Be the first to comment