
Ka dib guuldaradii kale ee soo gaartay bartamihii isbuuca, kooxda heysata horyaalka Serie A ee Inter Milan waxay dooneysaa inay si dhaqso ah ugu soo laabato wadada saxda ah iyadoo San Siro ku martigelineysa Sassuolo .
Guuldaradii Milan ka soo gaartay iyo midii Liverpool ayay Nerazzurri la kulantay todobaadyadii u dambeeyay, waxaa intaasi dheer barbarihii ay la gashay Napoli sabtidii hore oo ka dhigeysa inay hal dhibic ka hooseeyaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee hogaanka horyaalka .
Wararka Labada Koox
Ka dib ganaaxiisii Champions League Arbacadii, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Nicolo Barella ayaa ku soo laabanaya line-upka XI Intaa waxaa dheer, Alessandro Bastoni ayaa ganaax ku seegaya kulanki labaad ka dib casaankii uu qaatay kulankii Milan Derby.
Waxaa la filayaa in Simone Inzaghi uu nasiino u fidiyo weeraryahankeeda rugcadaaga ah ee Edin Dzeko, kaasoo dhaliyay 10 gool oo horyaalka ah tan iyo markii uu la soo wareegay xagaagii hore, oo uu ku jiro goolkii barbaraha ee Naples. Laacibka ugu da’da weyn ee gaaray laba jibbaar shanta horyaal ee ugu sareysa Yurub, wuxuu horey lix jeer Serie A uga dhaliyay Sassuolo, laakiin waxaa laga yaabaa inuu wax ka bedelo kursiga keydka.
Maqnaanshaha Dzeko ee line-upka, ayaa ka dhigan ina la safo Lautaro Martinez oo gool la’aan ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka; abaartiisii ugu xumayd ee horyaalka tan iyo 2019 – waxaa afka hore kula biiri doona Alexis Sanchez, iyadoo Joaquin Correa uu weli dhaawac ku maqan yahay.
Sassuolo waxa ganaax kaga maqnaa todobaadkii hore Gianluca Scamacca iyo Giacomo Raspadori , laakiin halka ciyaartoyda Italy ay soo laabteen, Neroverdi waxa ka maqnaan doona Gian Marco Ferrari ka dib markii daahintaan looga saaray kulankii Roma.
Kaan Ayhan ayaa ugu cadcad inuu booskiisa ka ciyaaro booska afarta daafaca ee kooxda martida ah, inkastoo Jeremy Toljan iyo Filip Djuricic ay ka mid yihiin kuwa aan weli diyaar u ahayn Alessio Dionisi.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Dimarco; Dumfries, Gagliardini, Barella, Calhanoglu, Perisic; Martinez, Sanchez
Sassuolo: Consigli; Muldur, Chirichs, Ayhan, Rogerio; Lopez, Frattesi; Berardi, Raspadori, Traore; Scamacca
Inter Milan Vs Sassuolo
Tartanka Serie A
Saacada (20:00 pm Somalia) (18:00 pm Yurub)
Garoonka San Siro Stadium
Be the first to comment