Horudhac: Leeds United Vs Chelsea ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Chelsea iyo Leeds United ayaa labaduba kulanka caawa ku dhex maraya gegida Elland Road isku dayi doona inay wadada guulaha kusoo laabtaan iyagoo ujeedooyin kala duwan leh.

Leeds ayaa doonaysa guul ay kaga soo baxdo booska 18-aad ee ay kulankii hore u dhacday halka ay Blues isha ku hayaan guul ay kusii xejistaan booskooda saddexaad ee halista weyn galay oo ay haatan hal dhibic oo kaliya uga hayaan Arsenal.

Wararka Labada Koox

Leeds ayaa dib u helaysa kabtan Liam Cooper balse daafaca midig ee Luke Ayling ayaa ganaax ku maqnaanaya inta xilli ciyaareedka ka dhiman kaddib casaankii uu qaatay kulankii Arsenal.

Sidoo kale waxa Leeds dhaawacyo kaga maqnaan doona xiddigaha kala ah Patrick Bamford, Tyler Roberts, Summerville, Stuart Dallas iyo Adam Forshaw.

Dhinaca Chelsea labada xiddig ee kaliya ee maqnaanshahooda la xaqiijiyay ayaa ah Callum Hudson-Odoi iyo Ben Chilwell balse waxa uu shaki ku jiraa oo tijaabo xilli dambe ah la marin doonaa khadadka dhexe ee Jorginho iyo N’Golo Kante.

Tuchel ayaa xiddigo uu hoggaaminayo Thiago Silva u nasin kara Final-ka FA Cup ee Sabtida isaga oo kusoo bilaabaya Chalobah iyo Christensen.

Reece James, Kai Havertz iyo Mason Mount ayaa iyaguna kamida xiddigaha kale ee uu Tuchel nasiimaha siin karo isaga oo kusoo bilaabaya Hakim Ziyech, Romelu Lukaku, Cesar Azpilicueta iyo Malang Sarr.

Shaxaha Macquulka Ah

Leeds United (4-2-3-1): Meslier; Shackleton, Llorente, Cooper, Firpo; Klich, Phillips; Raphinha, Rodrigo, Harrison; James.

Chelsea (3-4-1-2): Mendy; Chalobah, Christensen, Rudiger; Azpilicueta, Loftus-Cheek, Saul, Sarr; Ziyech; Lukaku, Werner

Macluumaadka Kulanka

Tartanka: Premier League

Saacada: 21:30 pm Waqtiga Somalia

Garoonka: Elland Road

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*