Horudhac: Levante Vs Barcelona ee Horyaalka La-Liga Spain, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Barcelona ayaa isha ku haysa inay soo ceshato booska labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga kulanka ay caawa booqanayso dhigeeda Levante.

Barca oo haatan mudo 12 kulan ah guuldarro la’aan ah kulamada horyaalka ayaa booska labaad dib ugala bixi doonta Sevilla haddiiba ay Levante caawa kasoo adkaadaan.

Wararka Labada Koox

Levante ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Carlor Clerc, Martin Caceres, Jorge De Funtos iyo Shkordan Mustafi oo dhammaantood dhaawacyo qabaa.

Dhinaceeda Barcelona ayaa lix kamida xiddigaha kooxdeeda waayaysa kulankan xilli Gerard Pique uu noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee liiska dhaawacyada kula biira Sergino Dest, Memphis Depay, Sergi Roberto, Ansu Fati iyo Samuel Umtiti.

Daafaca dhexe ayaa lagu wadaa in Clement Lenglet iyo Eric Garcia ay kusoo wada baxaan iyadoo Ronald Araujo nasiimo la siinayo.

Sergio Busquets iyo Frankie De Jong ayaa khadka dhexe kasoo muuqan kara balse haddiiba Pedri nasiimo u baahdo ayuu Nico Gonzalez booskiisa buuxin karaa.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Levante (5-3-2): Cardenas; Miramon, Vezo, Pier, Postigo, Saracchi; Pepelu, Radoja, Melero; Marti, Morales

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Alves, Garcia, Lenglet, Alba; de Jong, Busquets, Nico; Adama, Torres, Dembele.

Levante Vs Barcelona

Tartanka La Liga Spain

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somalia

Garoonka Estadio Ciudad de Valencia

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*