Horudhac: Liverpool Vs Inter Milan ee Champions league-ga Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

iyadoo ku soo badisay 2-0 lugtii hore, Liverpool waxay Anfield ku soo dhaweyn doontaa Inter Milan lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa San Siro ku garaacday inter milan ciyaar ay shabaqa soo taabteen Roberto Firmino iyo Mohamed Salah , iyadoo kooxda heysata Scudetto ay wajahayaan dagaal adag si ay u soo baxaan.

Wararka Labada Koox

Liverpool ayaan wali haysan ciyaartoy si rasmi ah looga saaray kulanka lugta labaad, laakiin Klopp ayaa qaba saddex ciyaartoy oo uu ka walaacsan yahay Thiago Alcantara , Roberto Firmino iyo Joel Matip .

Si kastaba ha ahaatee, waxaa rajo weyn laga muujinayaa helitaanka saddexda ciyaaryahan, iyadoo xubin kasta oo ka mid ah saddexda ciyaaryahan uu si buuxda uga qayb qaadanayo tababarka ka hor tartanka.

Dhanka Inter Milan, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool lala xiriirinayo Nicolo Barella ayaa qaadanaya ganaaxii labaad ee labo kulan oo ganaax ah isbuucaan, iyadoo Arturo Vidal ama Roberto Gagliardini ay isku diyaarinayaan inay u ciyaaraan xiddiga heerka caalami ee dalka Italy.

Ivan Perisic ayaa ka maqnaa guushii Salernitana sababtoo ah culeyska murqaha ah,Matteo Darmian , Federico Dimarco iyo Robin Gosens ayaa u dagaalamaya inay ku soo bilowdaan kulankan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Keita; Saalax, Jota, Diaz

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, De Vrij, Bastoni; Dumfries, Vidal, Brozovic, Calhanoglu, Gosens; Dzeko, Martinez.

Liverpool Vs Inter Milan

Tartanka Champions league-ga

Saacada (23:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Anfield Stadium.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*