Iyada oo sii kordheysa Khatarta coronavirus ayay koox Liverpool Garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyneysaa Leicester City wareega 8da ee EFL Cup – waana kulankii ugu horreeyay ee labada kooxood ay kulmaan muddo toddobaad gudihiis ah.
Brendan Rodgers ayaa ku soo laabtay inuu ka hor tago kooxdiisii hore ka dib markii Leicester lagaliyay 10 maalmood oo fasax ah sababo la xiriira COVID-19 oo ka dillaacay, halka Liverpool ay ku guda jirto afar kulan 10 maalmood gudahood.
Wararka Labada Koox
Liverpool ayaa la filayaa inay ciyaartooyo da’yar u badan kusoo gasho garoonka inkasta maadaama ay karantiil kaga maqan yihiin dersin ciyaartooyo ah. Thiago Alcantara ayaa kula biiray Van Dijk, Fabinho iyo Curtis Jones liiska xiddigaha Covid-19 guryaha ugu xaraysan, halka Harveyy Elliott iyo Divock Origi ay dhaawac yihiin.
Jordan Henderson oo xanuun aan ahayn Fayraska kaga maqnaa kulankii Tottenham ayaanu Klopp khatar ku gelin doonin ciyaartan, hase yeeshee waxa kusoo bilaaban doona Tyler Morton, James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Kostas Tsimikas oo beddelaya Andrew Robertson oo ganaax ku maqan kaddib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Tottenham.
Nat Phillips iyo Adrian ayaa iyaguna dhaawacyo qaba, balse waxa ciyaari doona Neco Williams, Joe Gomez, Coaimhim Kelleher iyo Takumi Minamino.
17 jirka Gordon ayaa isku muujin doona weerarka halka Roberto Firmino ay u noqon doonto ciyaartii koowaad ee uu kusoo bilowdo tan iyo bishii October.
Leicester City waxa iyadana ka maqan tiro ciyaartooyo ah iyadoo uu Fayrasku kaga dhacay Jannik Vestergaard, Ayoze Perez, Ademola Lookman, Kelechi Iheanacho, Filip Benkovic, Hamza Choudhury iyo Vontae Daley-Campbell oo ay seegayaan ciyaartan.
Waxa kale oo Leicester City ka dhaawacmay ciyaartii Newcastle labada difaac dhexe ee Caglar Soyuncu iyo Jonny Evans, halka Wesley Fofana uu isagu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono. Daniel Amartey iyo Wilfied Nadidi ayaa lagu qasbi doonaa inay ka ciyaaraan difaaca.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Liverpool: Kelleher; Williams, Gomez, Konate, Tsimikas; Oxlade-Chamberlain, Morton, Milner; Gordon, Firmino, Minamino
Leicester City: Schmeichel; Albrighton, Amartey, Ndidi, Bertrand; Tielemans, Soumare; Maddison, Dewsbury-Hall, Barnes; Daka.
Liverpool Vs Liecester City
Tartanka EFL Cup
Saacada Saacada (22:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)
Garoonka Anfield Stadium