Horudhac: Liverpool Vs Southampton ee Horyaalka Premier League-ga, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka

Ka dib markii ay Porto ku soo dubatay 2-0 Champions League, Liverpool waxay ku soo laaban doontaa Anfield kulanka sabtida ee Premier League iiyadoo la ciyaareysa Southampton .

Reds ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka heerka kowaad waxa ay Arsenal u dhigtay cashar kubbadda cagta ah oo ay ku badisay 4-0, halka Saints ay 2-1 ku xasuuqday Norwich City.

Wararka Labada Koox

Liverpool: James Milner , Neco Williams iyo Divock Origi ayaa dhamaantood taam u ahaa inay ku soo laabtaan Liverpool kulankii Porto, halka Diogo Jota uu ka baqay dhaawac ka soo gaaray guushii Arsenal si uu kursiga keydka u fadhiisto.

Waxaa jirtay rajo ah in Naby Keita uu diyaar u ahaa soo laabashadiisa kulanka Southampton, laakiin saameyn ayaa uga timid dhanka xulka Guinea, Roberto Firmino , Curtis Jones , Harvey Elliott iyo Joe Gomez ayaa qarka u saaran inay mar kale seegaan.

Tyler Morton ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee  kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Champions League bartamihii isbuuca, laakiin da’yarka ayaa ka mid ah dhowr ciyaartoy oo fursad u heli doona inay dib ugu soo laabtaan kooxda koowaad sida Jordan Henderson iyo Fabinho .

Southampton: Nathan Redmond ayaa seegay guuldaradii Norwich sababo la xiriira dhalashada cunuggiisa, laakiin kulankan ayuu ku soo laabanayaa, halka Stuart Armstrong uu qarka u saaran yahay inuu sii maqnaado, Moussa Djenepo ayaana soo laabtay ka dib dhibaatooyin gaar ah.

Jack Stephens ayaa dhowr usbuuc oo kale ka maqnaan doona garoomada isagoo ka soo kabanaya dhaawac jilibka ah, soo laabashada Redmond ee la filayo waxay keeni kartaa Ibrahima Diallo oo kursiga keydka la dhigo.

Laacibka amaahda kaga maqan Chelsea Armando Broja ayaa sii wada fursadaha uu helayo, laakiin Adams iyo Adam Armstrong ayaa halis yar ugu jira in laga saaro safarka Anfield.

Shaxda Macquulka ee Ciyaarta

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Saalax, Jota, Mane

Southampton: McCarthy; Livramento, Salisu, Bednarek, Walker-Peters; Redmond, Ward-Prowse, Romeu, Elyounoussi; Adams, Armstrong.

Liverpool Vs Southampton

Tartanka Premier league

Saacada (18:00 pm Somalia) (16:00 pm Yurub)

Garoonka Anfield Stadium

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*