Horudhac: Liverpool Vs Tottenham ee Horyaalka Premier league-ga, Wararka Labada Kooxda iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Liverpool ayaa caawa gegideeda Anfield kusoo dhawaynaysa dhigeeda Tottenham kulan xiiso badan oo kaalmaha ugu muhiimsan xilli ciyaareedka wax badan ka go’aamin kara.

Reds iyo tababare Antonio Conte ayay ujeedadoodu tahay inay saddexda dhibcood qaataan oo hoggaanka si kumeel gaadh ah uga sii qabtaan Manchester City halka ujeedka Spurs iyo Antonio Conte yahay saddex dhibcood oo ay booska afraad kaga sii qabtaan Arsenal.

Wararka Labada Koox

Liverpool ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub kooxdeeda ku qabin balse waxa uu wali shaki ku jiraa diyaar ahaanshaha weeraryahan Roberto Firmino walow uu tababarka kooxda kusoo laabtay.

Tottenham ayaa iyaduna markale waayaysa labadeeda da’yar ee Japhet Tanganga iyo Oliver Skipp halka ay macquul tahay inay inta xilli ciyaareedka ka dhiman maqnaadaan garbaha daafaca ee Sergio Reguilon iyo Matt Doherty.

Dejan Kulusevski oo keydka kusoo bilawday kulankii ugu dambeeyay ayaa la filayaa inuu shaxda asaasiga ah kusoo laaban doono isagoo booska kala baxaya Lucas Moura.

Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Mane, Diaz

Tottenham (3-4-3): Lloris; Romero, Dier, Davies; Royal, Bentancur, Hojbjerg, Sessegnon; Kulusevski, Kane, Son

Macluumaadka Ciyaarta

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Saacada: 21:45 Waqtiga Somalia

Garsoore: Michael Oliver

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*